Ambassador Maxamed Sh. Xasan Nuuriye Oo Noqday Masuulkii 3aad Ee Reer Awdal Ah Ee Madaxweyne Siilaanyo Ku Gacan Saydha Xil Uu U Magacaabay

0
1013

 

kkkkHargeysa(Geeska)-Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, oo uu Madaxweynaha Somaliland Sabtidii u magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta, ayaa ku gacan saydhay xilkaas uu u magacaabay.

Ambassador Nuuriye, oo muddo dheer safiir ka ahaa dalal badan oo ay dawladii Somaliya u magacowday, markii u dambeeyayna hayay xilka safiirnimada Somaliland ee Addis Ababa oo uu Madaxweyne Siilaanyo  ka qaaday markii uu xilka qabtay, wuxuu sheegay inaanu xilkaasi ahayn mid u qalma, marka la eego xilalka kala duwan ee uu ilaa 1970-kii soo qabtay. “Aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha oo ah nin aan aad u qadariyo, magacowgaas uu ii magacaabay agasimaha guud ee wasaradda qorshaynta, hase yeeshee markii aan arrinkaas dib u eegay ee aan ku eegay dariiqii dheeraa ee aan u soo maray arrimaha shaqada dawladnimo ee aan dhagaystay saaxiibo badan oo aan ku leeyahay dalka gudihiisa iyo dibadiisa iyo qaraabadadyaba waxaan arkay inaanay arrintaasi laa’iq [Munaasib] ii ahayn oo aan ka joogo, Madaxweynaha u mahadnaqo magocowga uu ii soo magacaabay.” Ayuu yidhi Ambassdor Nuuriye, oo isagoo jooga magalada Borama shalay u waramay shabakadda Internetka ee Lughaya.

 

Ambassador Nuuriye, isagoo sharaxaya sababaha uu xilkaas u diiday, wuxuu yidhi, “Wax waliba maqaam ayuu leeyahay anigu shaqada   qorshaynta waxaan bilaabay 1971 anigoo Maraykan ka soo noqday oo shahaadada sare sita, waxaan ka shaqeeyay ilaa 1980, waax kasta oo ka tirsana waan qabtay, 1980 anigoon codsan baa wasaaradii khaarajiga la ii bedelay oo la iga dhigay agaasimaha guud ee iskaashiga dhaqaalaha, Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), oo maamulka u sareeyayna, haddana 1984 ayay dawladii Somaliya ii magacowday inaan safiir ka noqdo dalka Kanada, waxaanan joogay 1984—1988, haddana 1988 ayaa la iga bedelay oo safiir la iiga dhigay Nayjeeriya oo aan joogay ilaa 1991, markii ay dawladii Somaliya burburtay Kanada ayaan dib ugu noqday anigoo carruurtaydii wata, waan ka tagay 1998, waxaan shaqo ka helay qaramada Midoobay oo afar sannadood ayaan joogay dalka Ciraaq, gobalka Kurdiga, kolkii Ciraaq la weeraray ayaa wixii Qaramada mdoobay u shaqaynayay la qaxiyay, Maraykan iyo Kanada ayaan xoogay joogay, Hargeysa ayaan 2003 imid, haddana shaqo ayaan ka helay UNDP oo ah,  Sannadkii 2007 waxa la ii magacaabay inaan Itoobiya wakiil ka noqdo, waxaanan joogay ilaa markii uu isbedelku yimid ee uu KULMIYE helay, waxaanan ahaa ninkii u horeeyay ee la soo bedelay ee dalka ku soo noqda, intii dambena Borama ayaan joogay oo aan u badnaa.  Waxaan cadaynayaa  anigoo u mahadnaqaya Madaxweynaha in aanay jagadaasi ii cuntamayn oo aanan qaadanayn.”

Wuxuu Oday Nuuriye sheega inaanu filayn in loo magacaabo xil agaasime oo ah maamul, waxaanu yidhi,  “Maanta ma ihi ninkii agaasime guud inta loo magacaabo maamul ku dhex jiri lahaa ee kolba xafiis shir ka geli lahaa, anigu darajo aan marnaba wasiir ka hoosayn ayaan filayay waayo haddii aan ambassador ka imid jago agasime guud oo qorshaynta ah waad tagi ismaan lahayn haddiise ay dhacday waxaan isleeyahay haddana qaranka u shaqee, haddii  xil ii qalma la ii magacaabana ahlan wasahlan haddii kalena shaqsiyadayda ayaan ku dedaalayaa, jaamacadda ayaan wax ka dhigayaa, waxbaan qorayaa. Markaas darajadan anigu waxaan leeyahay iima qalanto.”

Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, waxa la weydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa in Madaxweynuhu markii hore la soo socodsiiyay xilka loo magacaabay, waxa uu ku jawaabay, “Horta sidaan iidiin sheegay 1970s-kii, markaan Maraykan ka soo noqday isna [Madaxweynaha] wuxuu ahaa wasiirkii qorshaynta, markaas inkastoo ay wakhti  badani ka soo wareegtay haddana aqoontaas waan isku lahayn, mar ayaan u tagay oo salaan iyo hadal kooban mooye halkaas igu magacow iyo meel I gee maan odhan. Habeenkii dhawayd ee Sabtidii   abaaro 11:00 saac ayuu Madaxweynuhu ila soo hadlay iyo nin na xidhiidhinayay, wuxuu yidhi halkaas ayaan ku gaynayaa, qalad ayaan sameeyay anigoo hurdo  ka kacay waxay ahayd inaan idhaahdo waan eegi doonaa ee waayahay ayaan idhi oo dib ayaan u seexday, arroortii markaan dib u xisaabtamay waxaan arkay inaan go’aan deg deg ah oo khalad ah sameeyay, markaas maantana waxaan doonayaa inaan arrintaas raali gelin ka bixiyo, arrintaasina maaha meeshaydii, wax badan ayaan dalka u qaban karaa anigoon agaasime ahayn,  sidaas daraadeedna aan ka cudur daaranayo.”

Waa masuulkii saddexaad ee reer Awdal ah ee Madaxweyne Siilaanyo ku gacan saydha xil uu u magacaabay. Markii uu talada qabtay waxa iyaguna xilal uu u magacaabay ku gacan saydhay Aadan Jaamac Hoori iyo Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali jowhar.