Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Kulamada U Socda Hoggaanka & Guddida Fulinta KULMIYE Iyo Shirweynaha

1
655

Picture6Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigaasi, ayaa sheegay in hawlaha lagu diyaarinayo guddida qaban-qaabada shirwaynaha xisbigaasi ay meel wanaagsan Marayaan, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in arimahaasi lagaga jiro dood iyo falanqeyn dheeraad ah.

Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu beeniyey in xisbiga Kulmiye laba garab u qaybsan yahay, waxaanu sheegay in xisbiga dhexdiisa ay ka jiri karto dood ay keenayso kala duwanaanshaha afkaaraha xubnaha xisbigaasi.

Maxamed Kaahin, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Hore waxaanu u sheegnay In aanan ka hadlayn arimaha xisbiga  sababta aanu taa u lahayn waxay ahayd anaga oo sugayna talaaboyinkii lagu diyaarinayey qaban qaabada qaabashada shirka xisbiga, talaaboyinkaasi meel fiican ayey marayaan, xisbigani waa xisbi balaadhan  waxaana shirarkoodii ugu horeeyey iskugu yimid guddida fulinta ee xisbiga waxaana u socda dooddoodii, wadatashigoodii iyo falan qayntoodi aanu ku diyaarinaynay guddidii qaban qaabada ee aanu u xilsaaraynay qaban qaabinta ergooyinka shir weynaha”

Guddoomiye ku xigeenka Kulmiye, waxa kale oo uu sheegay “Waxa la yidhaahdaa xisbiga aanay gudihiisa dimuqraadiyadi ka jirin, dibaddiisana dimuqraadiyadi kama jirto, waxa lagama maarmaan ah in talaabooyinkaasi laga wada tashado, waxa lagama maarmaan ah in si qoto dheer looga baaraan dego, waxa lagama maarmaan ah in talooyin mugle la iska waydiiyo, markaa waxaanu rejaynaynaa inaanu laba cisho ka dib siidayno (Shaacino) guddida qaban-qaabada ee xisbigu u xilsaaray inay soo diyaariyaan ergooyinka shirwaynaha”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay waxa ilaa hadda dib u dhigay ku dhawaaqida guddida qaban-qaabada “Waxba dib u dhigi maayaan (In Guddida qaban-qaabada lagu dhawaaqo), xisbiga Kulmiye-na maaha garabyo iska soo horjeeda, laakiin waa xisbi dimuqraadi ah oo waxa suurtogal ah inuu afgaar kala gaar ah qabi karo, fikrado badan baa la isa soo hor dhigaa, waxa lagu kala gedisan yahay iyo wax dib u dhigayaa ma jirto ee waxaanu sugaynaa dhamaystirka, waxaana fiican hawsha la galayo in la qabyo tiro, waxaanu galaynaa shirwaynaha xisbiga Kulmiye, oo ah xisbi balaadhan, haddii shirwayne la galayo waxa loo xil saarayaa guddi qaban-qaabo oo u madax-banaan inay ergooyinka shirwaynaha ka soo xusho dadka dalka dibadiisa iyo gudihiisaba, qurba-joog badana dalka dibadiisa ayay innaga jiraan, xisbiga Kulmiye-na wuxuu leeyahay qurba-joog faro badan, markaa guddida loo xilsaarayo hawsha intaasi leeg miisaankeeda ayay leedahay in aad iyo aad loo lafo guro, Soomaalidu waxay lu maahmaahdaa “Meel Hal Lagu Qalay Mana Hadal Yara, Mana Hilbo Yara”, meel guddi Miisaankaa leh hawl loogu dirayana wax iska waydiinteeda ayay leedahay, tilmaanteeda ayay leedahay, dooddeeda ayay leedahay, si fiican ayay hawshooduna noogu socotaa”

Comments are closed.