Ciidamada Kenya Oo Ku Ceeboobay Boobka Ay Ka Gaysteen Westgate

42
663

Waxa soo baxaya sawirro dheeraad ah oo laga helay kaamarooyinka dhinaca ammaanka ee ku rakibnaa xarunta ganacsi ee Westgate oo muujinaya ciidanka ammaanka Kenya oo bililiqeysanaya dukaamada xilligii uu weerarka ka socday xaruntaasi magaalada Nairobi.

Muuqaal video ah oo ay heleen warbaahinta dalka Kenya ayaa muujineysa ciidanka oo ka baxaya dukaanka Nakumat iyaga oo wata bacyaal cad cad.

Waxaa ku jirta meel ay askar hubeysan u istaagayaan inay qaataan alaab yaryar oo baakado cad cad ku jira dukaan lagu iibiyo teleefoonada.

Muuqaalkan ayaa ka xanaajiyay dad badan oo reer Kenya ah. Militeriga dalka Kenya waxa ay ka sheegeen shir jaraa'id inay wax ka qaban doonaan eedeymaha bililiqada la xidhiidha.

Ciidamada ayaa la filayaa inay Axadda beri qabtaan shirjaraa’id oo ay kaga hadlayaan fadeexadaha soo food saaray ciidamadooda.

Ugu yaraan 67 qof ayaa ku dhintay weerarkii Westgate oo ay sheegteen inay qaadeen kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ee Soomaaliya.

Comments are closed.