Hargeysa:-Xaflad Qaadhan Loogu Ururiyay Rugta Kaydka Buugaagta Iyo Akhriska

1
706

Hargeysa(Geeska)-Xaflad balaadhan oo  qaadhaan loogu uruurinayey dhismaha rugta kaydka buugaagta iyo akhriska ee Somaliland [Somaliland National Library] ayaa lagu qabtay Hotel-ka Maansoor.

Xafladdan oo si qurux badan loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka madaxtooyada,wasiiru dawlaha maaliyada,wasiir ku xigeenka warfaafinta,Gudoomiyaha Baarlamaanka,Musharaxa Xisbiga UCID,Sheekh aadan Siiro,aqoonyahano,dhalinyarada jaamacadaha,haween iyo marti sharaf kale.

Waxa xusid mudan in xafladan qaadhan ururinta ahayd  masuuliyiintii ka soo qaybgashay ay ku yabooheen lacag ku dhaw shan iyo toban kun oo dolar iyo taakulooyin  kale. Waxaana muwaadiniinta reer Somaliland loo soo jediyay inay qaadhaankaas ka soo qayb qaataan si dalka loogu sameeyo xarun guud ee akhriska iyo kaydka qoraalka iyo taariikhda.

Ugu horeyn waxaa madasha xafladdaas ka hadlay Gudoomiyaha guddiga qaban qaabada dhismaha Rugtaas Axmed Daahir Cilmi oo ka waramy sida uu fikirka xaruntani ugu dhashay,waxaanu si faah-faahsan uga hadlay faa’idada ay soo kordhin karto ruugtan kaydka buugaagta iyo akhrisku.

dhanka kale waxa uu xusay dalka UK oo uu ka yimi  inuu leeyihiin 5000 oo Library taasi oo laga dheehan karo qiimaha uu dalkaasi siiyey akhriska iyo qoraalka “halgankii dheeraa ee aynu soo gallay majiro maanta meel loogu hagaago wixii taariikh ahaa ee aynu soo marnay.Dawladda aan lahayn Liberary waa umadd aan abtirsiimo lahayn”

Salma Cabdiraxmaan Sheekh  oo ka mid ah kooxdan dhalinyarada ah ee u dhaq-dhaqaaqaysa xaruntan kayadka waxa ay dadka ku guubaabisay sidii ay uga qayb qaadan laahyeen xaruntan kaydka “Waxaynu leenahay dhamaan hay’adihii qaranka oo dhan waddadii Ceerigaabana waa taa hadda loo dhaqaaqay dhismaheeda markaa waxa kaliya ee inaga  maqani waa inaynu yeelano Rugtii Akhriska iyo qoraalka.”

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali waxaanu sheegay  inuu dhismaha dhulkaasi Library-ga ugu deeqay Madaxweyne Siilaanyo,isla markaasna uu isagu mushaharkiisa bil-kasta ugu deeqi doono 180 doolar,waxaan hadaladiisa ka mid ahaa“Waxba yeynaan isku riix riixin, oo aynaan odhan hebalow intaa bixi adigina intaa bixiye waxay ila tahay inaynu u tartano dhamaateenba dhismaha Rugtran.anigu waxaan ahay shaqaale Dawladeed markaa waxaan idiin sheegayaa inaan bishiiba mushahar kayga qaadhaanka dhismaha Rugtan isaga jari doono bishiiba 180 doolar.”

Wasiiru-dawlaha maaliyadda Mr.Cadaani oo isaguna madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inaan lays waydiinayn sida loogu baahan yahay dhismaha Rugta kaydinta Buugaagtan loo qaadhaamayo,waxaanu goobtaas ka sheegay inuu dhismaa xarunta ugu deeqayo 2000 oo doolar.

Sheekh Aadan Siiro oo isaguma madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inay hawsha ugu horeysaa tahay dhaqaale lagu dhiso Rugtaasi,waxaanu balan qaaday 3000 oo doolar,waxaana hadaladiisa kamid ahaa  “Ceebaha qaarkood waa la asturtaa intaad asturanayso waana ceeb inaynaan ka qaran ahaan lahayn Library,waxaan aad uga xumaya inuu tagay wasiir Xirsi oo aan lahaa aad la kaftantid markii uu yidhi waxaan bixinayaa 180 Dooller marbaan is idhi shandadaada mayska sii qaadataa.adeer ma nihin culimada intay TV-yada soo fadhiistaan dadka lacagaha ka uruursada ee intaanu taayada ka bilawno ayaanu nidhaanaa idinkuna intaa ku soo dara caawana waxaan halkan kaga dhawaaqayaa inaan bixinayo $3000 oo Doller”

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka ahna gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro),isaga oobalan qaaday qaadhaan 3000 doalr ah iyo in dhalinyaradaasi ay khudbad qaadhaan ururin ah ka jeediyaan golaha wakiilada, waaanu ka warramay muhiimadda uu dhismaha Library-gani u yeelan leeyahay umadda Somaliland “Waxaan jeclahay inaanu fursad u siindoono inay dhalinyaradii madashan ka hadashay labada aqal ee Baarlamaaka ka soo jeediyaan barnaamijkii ay halkan ka soo jeediyeen,aniguna waxaan bixin doonaa lacag dhan $3000 oo Doller”

Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inay Jaamacad aan Library lahayni lamid tahay guri quruxbadan oo aan lahayn maacuuntii iyo gogoshii hoose toona,dhanka kalana waxa uu sheegay inuu cauurtiisa gayn jiray Library-yada ku yaala dalkii uu daganaan jiray.

“Xisbiga Ucid hadii aanu nahay kaalin wayn baanu ka qaadan doonaa taageerayaashayadana ugu baaqaynaa inay ka qayb qaataan dhismaha Rugtaas.waakii ay odayadu halkan ka wada hadleen oo la yidhi wax hala bixiyee dee anagana 3000 dolar ayaan bixinaynaaye Xisbigayagana hanalagu qoro”

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiwaaxid Cabdulqaad Cabdiraxmaan oo madashaa ka hadlay waxa uu sheegay inuu bixin doono kun doolar “Anigu ku xigeen baan ahay Cadaanina dee Maraykanka intii uu kala yimid baan filayaa inuu wali sii hayee anigu waxaan bixinayaa $1000 Doller” ayuu yidhi waxa iyana madashaa ka hadlashay xildhibaan Baar Siciid oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka waxaanay hoosta ka xariiqday inay dumarku bixin doonaan qaybtooda.

Gabagabadii xafladdaas waxaa ka soo qaybgalayaasha loo qaybiyey waraaqo lagaga dalbanayey inay ku soo qoraan qaddarka lacageed ee ay ugu deeqayaan dhismaha Rugta kaydinta buugaagta Somaliland National Library.

Comments are closed.