Cirro Oo Sheegay In Is Casilaadii Wasiiradu War-war Gelisay Xisbiyada Iyo Beesha Caalamka

0
552

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha aqalka wakiillada Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani, ayaa shalay si diiran dalka loogu soo dhaweeyay ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal uu dalka dibadiisa ugu maqnaa.

Cabdiraxmaan-Cirro, waxa si balaadhan ugu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa  ee Cigaal airport, dadweyne badan iy masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani, kuwaas oo ruxayay calanka xisbiga Waddani.

Md. Cirro, wuxuu la hadlay saaafadda oo uu uga waramay sodaalkiisa, waxaanu ka hadlay khilaafka KULMIYE iyo wasiiradii badnaa ee xukuumadda iska casilay, waxaanu yidhi  “Waxaan ka xumahay oo aanan ku faraxsanayn khilaafka soo dhex galay xisbiga Kulmiye oo xisbi qaran ah. Waxaan u rajaynayaa khilaafkooda inay xallistaan shirkooduna u qabsoomo. Waxa kale oo naxdin lahayd inay xukumadda ka dareeraan in ka badan 10 wasiir. Xukumaddu waa xukumaddii qaranka xisbigay doonto ha laga dhisee, way ka duwan tahay xisbiga oo waxay masuul ka tahay maamulka dalka. Waxay masuul ka tahay qabashada doorashada, waxay masuul ka tahay nabadgalyada. Runtii arrintaasi warwar badan bay galisay beesha caalamka iyo xisbiyada mucaaradka ah, arrintaas xalkeeduna wuxuu saaran yahay madaxweynaha Somaliland.”

Guddoomiyaha Waddani, wuxuu shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan ammaankooda iyo nabadgalyada. Waxa uu Kulmiye u rajeeyay sidii ay arrimahooda u dhammaysan lahaayeen. Waxa uu sidoo kale sheegay in cidii ka baxda xisbiga Kulmiye uu u furan yahay xisbiga Waddani inay yimaadaan.

Guddoomiyaha oo la waydiiyay xilliga xisbigiisu qabsan doono shirweynihiisa wuxuu yidhi “ Xabsashada xisbiga shirkiisu ma foga. Waxaan isleeyahay sanadku intaanu dhammaan baanu qabsanaynaa ama ka soo socda horraantiisa Inshaa Allah,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.