Maxaad Ka Taqaanaa Hoteelka Hurdada Ee Magaalada Hargeysa Ugu Jaban?

0
632

 

 

Hargeysa( Geesk)- Duleedka koonfureed ee dooxa weyn ee magaalada Hargeysa waxa ku yaala goob seexasho ama hoteel hurdo oo nooceedu uu magaalooyinka Somaliland guud ahaan  ku cusub yahay, goobtan seexasho waxa macaamiil u ah qaybo ka mid ah dadka ka shageeya suuq weynaha magaalada Hargeysa hawba badnaadeen Hudheel-layaasha, kooryoon-layaasha,baalash-layaasha, xamaaliinta iyo dad kale oo la hal maala.

Maheradan oo magaceedu yahay Tog Barwaaqo  waxa habeenkii lagu seexdaa 2000 oo shilinka Somaliland ah oo ah qiimaha ugu jaban ee magaalada Hargeysa goob seexasho lagu helo. Mulkiilaha goobtan seexasho Md.Muxumed Cige Cabdilaahi (Dhoore) oo wargayska Geeska Afrika uu xog waraysi ugu tagay ayaa sheegay inuu maheradan fikirka aasaaskeedu ku dhashay markii magaaladu buux dhaaftay isla markaasna uu diyaariyay kayn hadhac ah oo hoostana sandaqado kaga dhisan yahiin laguna seexdo qiimo jaban.

Mulkiilahani waxa uu sheegay inay hoteelkiisan ay seexdaan habeenkii ku dhawaad 120 qof, isla markaasna qof walba ay siiyaan agabkii uu ku seexan lahaa oo kala ah Caw,Buste iyo Barkin isla markaasna ay amaankiisa sugaan.

http://sphotos-d.ak.fbcdn.net/hphotos-ak-ash3/540877_10151451256943559_1524308869_n.jpg

Waraysiga uu la yaashay wargayska Geeska Afrika mulkiilaha hoteelkan Tog Barwaaqo  Md.Muxumed Cige Dhoore waxa uu u dhacay sidan.

Fikirkan inaad dooxa qarkiisa ka samayso meherad la seexdo oo aad ka shaqaysato sidee buu kuugu dhashay, goormaadse furtay maheradan aynu dhex joogno?

Waxaan furay 2000-kii, ilaa haddana waa ay shaqaynaysay habeen iyo maalinba. Fikirkuna waxa uu igu soo dhacay markii aan arkay magaalada oo markii hore iska faalal ahayd oo imika buuxda markii horena dadku waa ay iska dhex seexan jireen, waxaanan is idhi ugu horayntii meel dadka qaadiraysani ay maalintii seexdaan samee, sidaas ayaanan ku bilaabay, mudana way qaadatay, meeshanina waa dooxii oo muddo ayaan aasaayay, markii danbena waan ku guulaystay oo dhirtan oo dhana waan ku beeray, meheradaha dooxa dhiniciisa laga sameeyo ee imika jirana anigaa ugu horeeyay.

Maheradaadan qiimo intee leeg ayaa lagu seexdaa?

Habeenkii waxa lagu seexdaa 2000 oo shilinka Somaliland ah, maalintiina waa 1500 oo shilinka Somaliland ah, waxaanan dadka seexanaya siinaa Bustahii,Cawdii iyo Barkintii, dushana dhirtaas ayaan ku beernay oo ku baxday, hoostan waa jiingad roobkana ma soo dayso, kulaylna maaha ee waa laydh.

Maherad kasta waxa ay leedahay dad u macaamiil ah oo ku xidhan maheradaadan yaa u macaamiil ah?

 

Waa dabaqada hoose in badan oo ka mid ah, waxaana ka mid ah qolyahan hudheelayaasha,gaadhi jeeblayaasha,kooryoonla yaasha, waa dhawr iyo toban kooxood oo suuqan uun ka shaqeeya.

Meeshan waa dooxa dhiniciisii yaa suga dadka seexanaaya amaankooda ?

Malaha wax qash qashaad ah, haddaad halkaas seexatana cidi kuu iman mayso oo waanu ka sifaynay guuto dhana waanu nahay, tiraba ilaa iyo afar qof ayaanu kaga shaqaynaa oo is badbadala.

Maheradaadan marka ay dadku tilmaamayaan amaanteeda siday u cabiraan ama maxay ku sheegaan ?

http://sphotos-f.ak.fbcdn.net/hphotos-ak-ash3/644553_10151451256973559_862917985_n.jpg

Aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay ayaa la yidhaahdaa waayo maheradaha waxaan dheerahay hadhka oo meeshani waa hadhac, waxay leedahay laydh waayo meel taag ah ayay ku taalaa oo kiciba maysid. Qolyaha seexdaa macmiil ayay u badan yahiin oo nin kuma saqajaamo nin kale booskiisa. Habeenkii aad ayaa loo seexdaa oo ilaa 120 qof ayaa seexda, laakiin maalintii waa wax yar waayo waa ay kala shaqo tagaan.