Somaliland: Ma Liicin, Ma Laalmin, Mana Lumin: Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
688

 

Picture4Faraskuna ma daallana,

 

 Sidaan doorarkii hore,              

 Duullimaadka ugu galay,

 Kaba sii dur-duro dheer,

 Daabki waranka kama jabin,

 Wax siduu u dili jiray,

 Kaba sii dar-dara-kulul,

 Dantu seexo ima odhan,

 Siday ii diraysay,

 Weli ii dudduucdaa,”

Maansada Dir-sooc ee Ibraahin Sheekh Saleebaan (Ibraahin-gadhle)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormadii: 1aad

Sas iyo sakati……..Dad iyo dawladba saaq…….Waa sir…….Waa sakalo xidhan iyo boholo saynsaaban……Waa suuryo oodan iyo surimmo cidhiidhyoon……Suuqyadeenna maahee waa sekedo iyo saro aynaan gaadhi karin….Saan-cad iyo seymo laga ducaysto…..Wax sawaaban oo sawiranna ma noqon karayno……London saarku inooma hayo……Xamarna laga subxaanallaysay oo silic iyo saxariirba kama horreyn…..Allahayow sidii roon…….Allow sahal umuuraha, adaa noo aqoonee.

 

Intaasi waa ballaysin iyo belaayada oo inaga beydha….Buur iyo bannaan……Bad iyo berri……Bari iyo bogox. Weli sheelan iyo Weli sheeganba aan ka ducaysanno, Saloolka iyo shaadaligaba aan badsanno.

 

Hadallada iyo hadaaqa dadka ayaa u badan: “Shirka Bisha Meey, 2013ka ee London loogu qabanayo Soomaaliya iyo Somaliland ka qayb-geli meynno.” Dar kale ayaa yidhaahda: “Waa xaaraan ka qayb-galkiisu.” Qaar kale ayaa hal-hays ka dhigtay: “Ha laga qayb-galo, laakiin waxa lala tegayo, talo-qaran ha laga yeesho.” Marka aad dhadhan xukuumadeed yeelato ee aad indhaheeda qudhaanjo-la-moodka ah wax ku biniiniso weedhiba weedh, ayay uga ilko-qabowdahay.

 

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Murti-dhaadhigii Cabdikariin Xaaji Ducaale ayaa laga hayaa: “Immika ma aynaan lumin e’, saaka ayaynu lunnay.” Cabdikariim wuxu ka hadlayay wefdi Soomaaliyeed oo la sheegay in Xuseen Kulmiye Afrax watay oo xilliyadii nidaamkii Siyaad Barre hilbo loo karinayay oo dabka u saarnaa ka kallahay, oo goor ay duhur tahay ku baraarugay in ay anbadeen, markaas ayuu Cabdikariim ku odhanayaa: “Saaka ayaynu lunnay.”

 

Soomaalidaa hal-hays u leh: “Canaan-ka-yaab, reer ma doojo.” Meel laga cataabo iyo meel laga calaacalo midna ma joogno. Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ee Bishii Feeberweri 2012kii, waa aynu ka qayb-gallay, Shirkan hadda Bisha Meey 2013ka lagu dhawaaqay ee la qoondeeyayna waa sii-wadidda kaas ee yaan loo qaadan wax cusub oo ugub ah oo maanta ka-qayb-galkiisa loo baahan yahay in laga tashado. Waxa lala tegayo ayaa talo iyo arrinba u baahan, go’aankuna cidda mindida daabkeeda haysa ayuu u yaallaa. Miyaan hore loo odhan: “Nin la tolay, talo joogtaa.”

 

Xukuumaddeenna, Dawladdeenna iyo Hoggaankeennuba mid ha iska daayaan:

 

“Xog bixin meynno, wixii aanu dawladaha ku soo wada-hadallayna sheegi meynno, cidna la wadaagi meynno, talana waanu idiin ka baahan nahay.”

 

Dadweynuhuna, oo ay xisbiyadu ugu horreeyaan mid ha iska daayaan:

 

“Waanu ku doorannay oo ku dirannay e’ noo dood oo dunida soo mar, dareenna waanu kaa qabnaa oo waa ku dabo-gelaynaa, dantayadana kugu daawan meynno.”

 

Dadka qaarkii ayaa laga yaabaa in ay u haystaan dareennadan iyo shakiyadan wax cusub oo nolosheenna ugub ku ah. Waxaan idin leeyahay: “Ka waaweyn oo waa tan iyo aammanuu.” Beryihii aanu SNM-ta ahayn ee halgankii hubeysnaa ku jirnay ayay ugu darraan jirtay oo Guddoomiye kasta oo SNM ah oo Mengistu Xayle Maim la ballamaba aanu odhan jirnay: “keligii yaanu tegin, ee ha la sii raaco wuu ina dhaxal-wareejinayaaye.” Halkaa aanu berigaa taagnayn taako lagama soo dhaqaaqin. Bal adba garo goorta la il-baxayo ee Hoggaanku dadka xog-siinta iyo war-gelinta ugu hagar-baxayo, dadkuna Hoggaankooda aamminayaan ee ay kalsoonidooda siinayaan. Saaxiibkay, Mudane Siilaanyana isagu dadba waa uu ka sii xag-jiraayoo, taana shalay ayuu u soo joogay, maantana taa teedii ayuu u nool yahay oo weliba hoggaan ka yahay, Ilaahay ha ku asturo’ inta u hadhay e’.

 

Sow tii Timacadde beri hore inagu yidhi:

 

“Bisad iyo shacbiga Jiir noqdaa, baylah waw halis e’,

 Caqliga is-wada biirsadaa, waa biro o kale e’,

 Mar hadduu ra’iyigu kaa banjaro, kuuma buuxsamo,”

 

Gartan, haddii aynu naqno, waxaan odhan lahaa Hoggaanku xilkiisa ha guto oo dadka ha hago oo ha dhaqaajiyo oo macallin ha ugu noqdo qaybaha kala duwan ee nolosha. Qofku haddii la barbarian waayo, tacliin la bari waayo, wax loo sheegi waayo oo la hanuunin waayo, isaga ayaa sida uu doono u dhaqmaya oo baydh-baydhkiisa nololeed wax badan galaafanayaa.

 

Waxaan aad u daawdaa ESTV-ga oo ka soo baxa ama laga baahiyo Kililka 5aad ee Soomaalida Itoobiya. Maaweelo iyo horumar la taaban karaba waad ka dhergaysaa. Habeen dhaweyd oo aan daawnayay ayaan arkayay/maqlayay Mudane Madaxweyne Cabdi Cumar oo leh: “Baahidayada 1aad waa biyo, ta 2aad waa biyo, ta 3aad waa biyo, ta 4aadna waa biyo.” Farriin ka fudud oo ka culus oo dad lagu baraarujiyo garan maayo. Iyada oo aan durbaanno la tumayn, oo aan ubaxyo qoorta loo gelinayn oo aan la lahayn: “Waa yahay walaal, waa yahay,”ayaa hadalkaa dhaabbadda ah ee Madaxweyne Cabdi Cumar lagu ladhayay muuqaallo kooban oo il-bidhiqsiyo soconayay oo tiro-koobyo ah oo lagu muujinayay: Boqolleyda biyo saafiya cabta ee magaalooyinka ama miyiga iyo sida tiradaasi u kordhaysay sannadba sannadka ka danbeeya. Farriin kooban oo aragtida qofka daawanayay hubaal beddelaysay dareenna ku abuuraysay ayay ahayd.

 

Hees Xasan Aadan Samatar qaado ayaa waxa ku jirta: ”Ku jar, hadalka ku jar.”

 

(la soco…………………………..)