150 Hablood Oo Booliska Ka Hawlgalaya Oo Tababarkoodii Shalay Si Rasmi Ah Loogu Xidhay

0
632

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur), ayaa shalay  tababar ugu soo gabo-gabeeyay dugsiga mandheera Dufcadii 26-aad ee ka baxda dugsigaasi oo ka koobnayd 150 hablood oo ciidanka Booliska laga hawl galiyay.

Xafladii loo sameeyay gabo-gabada tababarkaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, oo ka hadlay xafladaasi ayaa ka war-bixiyay dulucdii ay ka lahaayeen tababarkan khaaska u ahaa 150-ka hablood ee dhalinyaradda ah, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Tababarkani waxa uu hablan u bilaabmay 1/11/2012-kii,waxaanay ku qaadanayeen waxyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin shuruucda dalka oo la baray sida Dastuurka, xeerka ciqaabta Guud, xeerka nabad-gelyadda wadooyinka, xeerka cashuuraha, xuquuqda aadamaha iyo xidhiidhka ka dhaxeeya Booliska iyo bulshadda oo aanu had iyo jeer jecelahay inuu wanaagsanaado xidhiidhka Booliska iyo dadweynuhu.”

“Tababarka Ciidanka Boolisku kuma koobna dufcadan oo qudha ee dufcaddii 25-aad ee tan ka horeysay waxa ka baxday 365 askari. Waxa kale oo dhinac socda tababar ay qaataan ciidanka Hoggaanka Birmadka Boolisku oo si gaar ah loo tababaro dufcad horena ka baxeen, imikana dufcadii ugu weynayd ku jirto. Waxa kale oo dhinac socda tababaradii la xidhiidhay dhinaca baadhista dambiyadda,”ayuu yidhi Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Taliyuhu waxa uu intaasi ku daray inay todobaadkan tababar ku saabsan maamulka u furi doonaan Taliye saldhigyadda goboladda Maroodi-jeex, Gabiley iyo Hawd.

Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal wax a uu hablahan u soo jeediyay marka ay tagaan goboladii ay ka yimaadaan ka shaqeeyaan nabad-gelyadda iyo sugida ammaanka dalka.

Taliyaha Boolisku waxa kale oo uu u mahad celiyay macalimiinta iyo maamulka Dugsiga tabo-barka Booliska ee Mandheera oo uu tilmaamay inay juhdi adag geliyeen kor u qaadista tababarada ciidanka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Carraalle (Duur) oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay una ammaanay 150-Kaasi hablood ee tababarku u xidhmay, waxaanu tilmaamay inuu rajaynayo inay dedaal iyo karti ku soo kordhin doonaan ciidanka Booliska ee ay ku soo biireen. “Aniga maanta rajo ayaa ii muuqata, rajadda ii muuqataa ma aha mid maanta bilaabantay, waxa weeye intii isbedelku dhacayba rajo ayaa ummaddii gashay inay da’yartu ku dhiirato inay ciidammadda galaan oo qof kastaaba isku dayo inuu wax qabto, kol ay ku tahay xafiiskiisa. Markaa rajo ayaa dhalatay la kowsatay isbedelkii dalka ka dhacay,”ayuu yidhi Wasiir Duur.
Md. Duur waxa uu ku baaqay in rajadaasi ay hortaagan tahay wax uu ku tilmaamay hal caqabad, waxaanu yidhi “Rajadaasi hal qodob  ayaa hortaagane’ ha laga daayo. Warbaahinteenu dadka rajo ha geliso oo mooralkooda kor ha u soo qaado oo dalka ha jeclaysiiso. Yaanay markasta bogaga hore wax ummadda quus gelinaya aanay soo bandhigin.markaa rajadaas aan wada dhisno ayaan leeyahay.”