Maxaad Biriishka Weyn Ee Hargeysa Iskaga Tuurtay?

0
591

 

Hargaysa ( Geeska )-Wiil dhalinyarro ah oo asal ahaan ka soo jeedda Goboladda daka Somaliya gaar ahaan Degmadda Balcad ayaa shalay Subixii Hore iska Tuuray Biriijka Magaaladda Hargeysa

ninkaWiilkan oo Magiciisa Lagu sheegay  Axmed Maxamed Moodde ayan la garanayn sababta rasmiga ah ee uu iskaga soo tuuray biriijka, ninkan ayaa markii uu iska tuuray biriijka waxa markiiba goobta yimid isla markaana ka soo qaaday goobtii uu iska soo tuuray ciidamadda aamanka, kuwaasi oo markiiba ula cararay dhinaca cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

 

Axmed Maxamed Moodde oo koomo ku Jirey ,markii la keenay Cusbitaalka ayaa Cabaar markii uu Jiifay uu Miyirkiisuu ku soo Noqday Siddii Horre.

Ninka ayaa markii uu soo miiraabay isaga oo ku sugan cisbitaalka guud ee magaalda Hargaysa waxa uu sheegay in aanu ogaynu markuu Biriishka iska soo tuuray, waxaana hadaldiisii kamid ahaa “Isma aan Ogayn Markii aan ka dhacay Biriijka, waxan wax ogaaday aniga Oo Cusbitaalka Aalla, Aabahay wax uu Ku nool yahay Dalka Djabuti, waxana Hargeysa la Jooga Gabadh aan wax isku nahay, waxan Dalka Joogay Muddo Siddeed Sanno ah, waxan ka imi oo aan Degnaan Jirey Degmadda Balcad ee Dalka Somaliya.”

Dhanka kale Dr.Faysa Axmed Jibriil oo ah Madaxa Maamulka Cisbitaalka u Qaabilsan Xaaladdaha Degdega ah oo ka hadashay Xaaladda Ninkan ayaa waxa ka mid ahaa hadalkeddii “ Ciidamadda booliska ayaa noo keenay ninkan 7:10 Subaxnimo, ninkan oo Koomo ku Jirra, waxana aan jeebkiisa ka helnay Hal Mobile oo ay ku Jiraan Laba Kaadh, oo kala Ah Hormood iyo Telesom, walina waxa aanu baadhaynaa Xaaladdiisa Caafimaad, mana garan karno Sababta keentay in uu Ninkan iska soo Tuurro Biriijka.”