Hargeysa: Hooyo Ilmaheeda Oo Mayd Ah Sidatay Laba Maalmod Iyo Sababta Keentay

0
763

 

gabadhiiHargeysa(Geeska)-Hooyo Khadra Axmed Diiriye ayay ciidamada Boolisku shalay soo qabteen ka dib markii la sheegay inay laba maalmood sidatay ilmaheeda oo mayd ah. Hooyadan ayaa ah gabadh dhallinyaro ah.

 

Hooyo Khadra oo dhawaan ku umushay cisbitaalka Hargeysa, ayaa ilmaheedan maydka ah sidatay laba maalmood ka dib markii sida la sheegay ay weyday cid la aasta. Ilmaha ayaa dhashay isagoo mayd ah, waxaana   sida la sheegay ay shaqaalaha cisbitaalku hooyo Khadra  weydiiyeen inay keento ciddii ilmaha la aasi lahayd, markii ay weyday aabihii ilmaha dhalay oo kilika shannaad ee Itoobiya degena, waxa ay go’aansatay inay iska sidato.  Dadweyne ka shakiyay ayaa ciidamada Booliska ku wargeliyay haweenaydan ka dib markii ay ka shakiyeen inay ilmaheedan dishay. Laakiin markii cisbitaalka la geeyay waxa la xaqiijiyay inay haweenaydan oo ka timid kililka shannaad ee Somalida Itoobiya aanu aabaha ilmahan dhalay Hargeysa joogin, sidaas darteedna ay iska sidatay isagoo mayd ah laba maalmood, markii ay weyday cid la aasta.

Agaasimaha guud ee cisbitaalka Hargeysa Faadumo Cabdi Kaahin, oo saxaafadda u warantay ayaa tidhi “Gabadhbaa umushay,  dhakhtarkay ku umashay ilmo mayd ah , may  dilin wax kalena umay gaysan , su’aalbaa la waydiiyey  qofkii aasi lahaa oo ah ninkii ku qabay keen.”  Waxay intaas raacisay “Gabadhu  waxa ka timid gobolada fogfog ninkii qabayna way  keeni kari wayday  ilaa doraadna way siday  haddii ay doonayso inay  tuurto way tuuri lahayd  may tuurin  oo waa ilmaheedii   oo cid la aasta ayay wayday  waa taa sidata.”

Agaasimaha cisbitaalku waxay sheegtay inay dawladda Hoose ee Hargeysa aasi doonto ilmahan.