Guddiga Doorashooyinka Oo Qoraalo Daba Socda Dalabkii Xisbiga UCID U Kala Diray Guddoomiye Cirro Iyo Maayar Jiciir

0
625

 

JiciirHargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa qoraalo u kala diray guddoomiyaha golaha wakiilada Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Maayarka Hargeysa Xus

 

een Maxamuud Jiciir.

Guddiga ayaa maayarka caasimadda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir ka codsaday inuu caddeeyo sharciyadda uu ku fadhiyo golaha deegaanka Hargeysa maayar ku xigeenka Maxamed Cabdillaahi Uurcade.

Xisbiga UCID ayaa guddiga doorashooyinka u gudbiyay dalab ay ku codsanayeen in Maxamed Cabdillaahi Uurcade loogu bedelo xubintii xisbiga ugu soo xigtay golaha deegaanka caasimadda Hargeysa, maadaama oo uu Uurcade sheegay inuu ka baxay xisbiga islamarkaana ku biiray urur siyaasadeedka wadani. Sidoo kale waxay UCID codsadeen in komishanku buuxiyo jagada guddoomiye Cirro iyo xildhibaano kale oo sheegay inay ka baxeen UCID oo ay ku biireen Wadani. Sidaas daraadeed guddiga doorashooyinka ayaa dhawaan maayar Jiciir ka dalbaday inuu ka jawaabo dalabka xisbiga UCID islamarkaana uu caddeeyo sharciyadda uu ku xigeenkiisu ku joogo golaha deegaanka. Lama sheegin wax jawaab ah oo uu maayarka Hargeysa ka bixiyay qoraalka guddiga dorashooyinka, laakiin waxa kale oo ay guddigu qoraalo sidan ah u qoreen guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isna sheegay inuu ka baxay UCID isagoo ah guddoomiyaha ururka Wadani. Waxaanay guddiga doorashooyinku ka codsadeen inuu ka jawaabo doodda sharci ee UCID iyo weliba dalab uu isna xisbiga UDUB komishanka u gudbiyay oo ku saabsan xildhibaan Cali Xaaji oo sheegay inuu UDUB ka baxay kuna biiray wadani.

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo shalay waraysi siiyay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefishanka HCTV, ayaa wuxuu kaga hadlay arrintan waxaanu yidhi “Waxa ay  [Komishanku] golaha  u soo gudbiyeen laba waraaqood oo ka yimid xisbiga UCID iyo xisbiga UDUB  kana hadlaayay xildhibaano ka baxay asxaabta, marka hore waxa aan u sheegayaa umada ka bixida xisbiga iyo ka bixida golaha wakiiladu laba arimood oo shuqul isku leh aanay ahayn, waa laba hay’adood oo kala duwan xisbi iyo golaha wakiilada, guddida doorashooyinka qaranka waanu u tilmaanay nidaamka loo raacayo xubinta banaanaata ee golaha wakiilada oo ku qeexan xeerkii lagu doortay baarlamaanka, haddii jago ka banaanaato golaha wakiilada baahinteeeda waxa iska leh golaha wakiilada komiishanka qarankuna ma laha asxaabtuna ma laha mana baahin karaan markaas sidaas ayaan u tilmaanay.”