Sidee Borama Looga Dareemay Khilaafka Silanyo Iyo Salici?

1
192

Borama(Geeska)-Magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal ayaa waxa si weyn looga hadal hayaa khilaafka maalmahan u dambeeyay ka dhex oognaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, kaas oo u muuqda inaan weli wax xal ah laga gaadhin.

Khilaafkan oo ka dhashay tabashooyin is biirsaday oo uu Madaxweyne xigeenku tirsanayo lana xidhiidha dhinaca awooda, ayaa waxa uu sababay inuu Mudane Saylici qaato go’aamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin inaanu ka xaadirin fadhiyada golaha wasiirada iyo weliba inuu joojiyay inuu u shaqo tago xafiiskiisa madaxtooyada. Haddaba inkastoo caasimadda Hargeysaba si weyn loogu hadal hayo khilaafka labada hoggaamiye, haddana magaalad Borama oo uu ku xigeenku dhalasho ahaan ka soo jeedo ayaa ka mid ah magaaalooyinka sida weyn loogu hadal hayo sheekadan. Goobaha kala duwan ee lagu falanqeeyo siyaasadda ee magaalada Borama ayaa waxa inta badan maalmahan lagu hadal hayaa khilaafkan oo dadku isweydiinayaan sababta keentay iyo weliba halka uu isugu biyo shuban doono.  Dhallinyarada aqoonyahanka ah ee magaalada degen ayaa ka mid ah qaybaha bulshada ee sida weyn u lafo guraya khilaafkan. “Waa la saadaalinayay muddaba khilaafkan laakiin hadda ayuu soo shaac baxay.” Sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dhallinyaradaas oo fadhiyay goob makhaayad ah oo laga cabo shaaha iyo bunka, wiil kale ayaana ugu jawaabay, “Muddo ayuu ninkan Saylici is giijiyay laakiin hadda wuxuu u muuqdaa inuu furka tuuray.”

Is-mariwaaga labadan masuul ayaa salka ku haya khilaaf ka dhashay hay’adda qurbo jooga qaranka oo uu Madaxweyne xigeenku dalbaday in guddoomiye ku xigeenka laga dhigo nin ay isku hayb yihiin oo qurbaha ka yimid si hay’adda loo xoojiyo taas oo la sheegay inuu Madaxweynuhu ka gaws adaygay ka dib markii ay xubno wasiiro ah oo aad ugu dhowdhowi ku qanciyeen. Waxa kale oo isna jira mid ka mid ah dadkii Mr. Saylici la soo halgamay xilligii ololihii doorashada oo la sheegay in laga eryay shaqo uu Madaxtooyada ka hayay, kaas oo uu madaxweyne xigeenku si weyn uga cadhooday. “Xataa haddii aan lagu ixtiraamayn wiil yar oo shaqo uu ka siiyay madaxtooyada muxuu qaban doonaa  ee u hadhay.” Sidaas waxa tidhi mid ka mid ah gabdhaha dhallinyarada ah ee Borama oo arrintan falanqaynaysay.

Si kastaba ha ahaate magaalada Borama oo uu Madaxweyne ku xigeenku ku leeyahay nasteex iyo nacab siyaasadeedba ayaa waxa ay sheekadani u noqotay mid xiiso badan oo ay inta badan ee bulshada siyaasadda la socotaa falanqaynayaan, waxaanay bulshada reer Awdal qaarkood soo dhaweeyeen go’aanka uu ku gaadhay Madaxweyne xigeenku inuu la garnaqsado Madaxweyne Siilaanyo, halka ay kuwo kalena sheegayaan inay khalad tahay inuu marxaladan lagu jiro bilaabo khilaaf, maadaama oo uu markii hore ee uu jagadan u ordayayba  ogaa awoodihiisa distooriga ah.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa xilligii lagu jiray xulashadii murashaxa madaxweyne xigeenka ee xisbiga KULMIYE wuxuu garab istaagay oo uu soo dhawaystay Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo aanay inta badan ee bulshada reer Somaliland aqoon fiican u lahayn, waxaanu garbiyay Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka mid ahaa mujaahidiinta ururkii SNM ee xorriyada soo celiyay. Dad badan ayaa xilligaas sheegay in sababta uu Madaxweyne Siilaanyo iskaga fogeeyay saaxiibkii Cabdiraxmaan Aw Cali tahay qabka siyaasadeed ee labadoodaba ku jira oo aan saamaxayn inay arrimo badan isku aragti ka noqdaan, waxaanu xilligaas door biday Cabdiraxmaan Saylici oo isna hadda u muuqda inuu damac siyaasadeed la soo baxay amaba uu ugu yaraan dulqaatay sanad iyo badh.

Si kastaba ha ahaate, dooda sheekadani kuma koobna oo keliya magaalada Borama, waxaana maalmahan la arki doonaa halka uu khilaafka labada oday isugu biyo shubto iyo in ergo tiro badan oo dedaalaysaa ku guulaystaan in khilaafka halkiisa lagu suuliyo.

Comments are closed.