Somaliland Diidku ma Dhidar Onkod Kiciyaybaa, Waxa Qoray Yuusuf Goodir Maxamed

1
592

Sidaynu la socono Cali Galaydh oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ayaa mar qudha ka soo booday shaashadaha TV yadda. Cali wuxuu diiday in beesha uu ka soo jeedaa ka tirsan tahay Somaliland, isla markaana ay la bexeen Khaatuma State oo ay ka tirsan yihiin Soomaaliya. Diidmadiisa wuxuu ku sababeeyey in wixii shalayba uu

Siilaanyo diidayay –isagoo u jeeda SNM aanay maanta iyagu yeelayn. Wuxuu kaloo xusay isagoo guusha ku dhaadanaya in 20 inan oo guri ku shiray tibaaxayna in uu u jeedo SNM ay rideen dawladdii Siyaad Barre, isna uu shiriyey Garaado, iyo in ka badanba (fallacy of composition).

Sooyaalka taariikhda Cali waxaynu u haysanay in uu siyaasadda halkii ugu saraysay ka gaadhay dabadeedna ka fadhiistay, soo rogaal celistiisu waxay muujinaysaa in uu ku guul daraystay. Tilmaanta, aqoontu waxay ku suuraysaa saddex; wax tegay, jooga ama soo socda. Ta ugu fudud ee ay garan gartaa waa wixii tegay, labada kale way ka kakan yihiin. Waana halka aynu ka nidhaahno nimaan waxa jooga garanini waxa soo socdana ma garto. Aan u caqli celiyo Caliye, maamulkii Siyaad Barre Isaaq uma diidin cidda uu qabiil ahaan ahaa, waxaana ka markhaatiya in Kacaankiina lagula jiray, dadwaynaha dhulkii woqooyi la odhan jirayna taageeradoodu ay midays nayd. Camalkiisii ayaa lagu diiday! Ku hal qabsigaaga SNM wixii ay diiday halgan ma abyi karto.

Mar labaadna Cali markii uu noqday Raysal wasaaraha Soomaaliya dawladdii Jabuuti lagu soo dhisay wuxuu ku doodayay Soomaaliya oo dhan juquraafigeedii iyo dadkeedii ayaanu metelaa. Maxaa markaa diidi kara in beeshiisana cid kale metesho oo C/Tuur, Cigaal, Rayaale iyo Siilaanyaba madaxwaynayaal u noqdaan! Cali Khaatuma State doodihiisa wuxuu ku abyay in beeshiisu aanay qayb ka ahayn Somaliland, laakiin nabad ahaan looga mid noqday iyadoo hubkii woqooyiga yaalay gacanta u galay SNM/Isaaq.  Nin kale oo beel ahaan ku dhow Galaydh wasiirna ka noqday Somaliland ayaa igu yidhi waa naloo hanjabay. Waan yax yaxay! Waxaan ku idhi, anagu Siyaad Barre oo aad awoodiisa ogayd weli waxaas iyo wax ku dhow toona umaanu saxeexin! Haddiise aynu sidiisa u qaadano, miyaynaan odhon karayn labaatan kii sano ee aad ka maqnayd ayay Somalilandnimaddii beeshii xushay. 

Tibaaxaha aynu soo sheegnay waxay daaha ka rogayaan in Cali dhinac marsan yahay sooyaalka taariikhda dhow ee Somaliland. Aynu baal kale ka milicsano waayahaas. Aragtida Khaatumo waxay sheegaysaa in beeshaasi shirarkii ay ka qayb gashay ahaayeen qaar nabadeed. Waa run qaarkood sida shirkii Ber-bera ee SNM beelaha oo dhan ugu sheegtay in dagaalkii dhamaaday, balana lagu kala qaatay in Burco shir la isugu yimaado. Sidoo kale Beesha Cali ka soo jeedaa waxay joogtay madashii shirkii Sheekh oo lagu heshiisiinayay laba beelood oo reer Shixisixaaq ah.

Caliyow maxaynu ku tilmaanaa shirkii Burco ka dhacay ee lagaga dhawaaqay Somaliland, iyo weliba kii Boorama ee 1993kii. Haddii aan ka danbe tilmaan ka bixiyo beesha Cali ka soo jeedaa waxay shir wayn ku qabsatay Boocame, mudo ayaa la sugayey, ugu danbayntiina shirkii ayay si buuxda uga soo qayb gashay. Shirkaana waxaa lagu doortay madaxwaynihii labaad ee Somaliland yeelato.

 

Aan ku daree, Cali Galaydh shirka Boorama wuu ka soo qayb galay, waxaana soo baxday mar in uu isu taagayo musharax madaxwayne. Dhawr nin oo kale ayaa rayigaasi ku jiray, candhuufta ayaa dib loo liqay markii la ogaaday in ninkii ruug cadaaga ahaa ee Cigaal guurtidu dabadda ka riixayso. Galaydh khudbad uu shirkaa ka jeediyey waxaa ku jiray in uu ka walaacsanaa khayraadka dalka lagu sheego, oo uu ku doodayay in ilaa berigii uu dugsiga dhigan jirtay la hadal hayay waxna aan laga hayn. Hadalkaagaasina wuxuu doonyo qaad u ahaa in lagu meel mariyo ciidamaddii uu Burus Qaaligii berigaa UN-ta haystay ku baaqay in Soomaaliya oo dhan la geeyo.

 

Khaatumo State xuduud ma leedahay? Dadka hawshan Khaatumo u guntaday waxay ku doodayeen in Somaliland hawl beeli gaadhay ahayd, iyaguna ay ku talo qaateen shirka Taleex. Nasiib daro, wixii ay ka cabanayeen ayey dan moodeen. Dood ay BBC –du qabatay ayaa la waydiiyey budh tuur ka ahaa halka khaatumo State ku egtahay. Jawaabtu waxay noqotay Sool, Sanaag, iyo Cayn. Wuxuu la qiray weriyihii in saddexdaa gobol beeshu aanay keligeed degin. Weriyii wuxuu ku sii daray in Sanaag lagu badan yahay. Isagoo arimahaas oo dhan qiray ayuu ku daray in aan Khaatumo State ahayn mid beel gaar u ah islamarkaana ay beelihii kale sugayaan. Hadaba Somaliland iyadoo la wada joogo ayaa lagu dhawaaqay, caqli gal ma tahay kaana waan diiday mid aan lawada joogina beelaha ka maqani ha ka soo wada qayb galeen!

 

Ninkii jiray wuxuu yidhi, “Salaadu halkee bay ka xidhmi la’dahay.” Cali waxaynu ku wadnay nin Somali, Somalilander ah, madax soo ahaan jiray, Barafisoor ah, intaas oo khalad ah dusha ma u ridan karaa? Run ahaantii waxaynu aragtaa in Cali Galaydh ku hawl galay garasho aad u liidata, waayo waxaa looga fadhiyay hawl cilmiyaysan in uu galo. Tusaale ahaan, odhaahihiisa is daba socda ee daliishanaysa SNM baa dawlad riday ama 20 inan baa meel ku shiray miyaanay la mid ahayn, ninkii xanuun saday ee TB-du ku dhacday ee maalintii danbe booraanta dawaco ka cabay ee Ilaahay waa caafimaad bixiyee ka dilaaciyay wixii feedhihiisa jiifay. Halkii uu Ilaahay uga mahad niqi lahaa ayuu yidhi, “booraan dawaco ogaada.” Guulihii, SNM, gaadhay mid xaga Alle ka timi ayay ahayd, ciddii la dulmiyo ayuun baa hesha.

 

Haddii Galaydh aragtidiisu ay macna u samaysay, isaga iyo wixii dumuqiisu kula faqay. Laakiin, inta caqliga wax ku miisaanta kalama duwana wadaad la yidhi awliyuu u sheegtay beel meel deganayd, mucjisooyin badan ayuu keenay, muduu xuurto ku haystay beeshii. Kuwii ugu yaabka badnaa waxaa ka mid ahaa, markii uu yidhi, hal meel fadhida ayaan xaga danbe ka gelayaa oo afkeeda ayaan ka soo baxayaa! Wuu sameeyey! Waa la yaabay! Wadadii ayuu banaystay! Beri danbe ayaa beeshii waxaa yimi, inamo yar-yar oo diinta yaqaan, warkii weliga ayay maqleen. Dabadeed maalin laysugu soo baxay mucjisadii hasha ayay yimaadeen, quraan bay akhriyeen, waxaa la arkay weligii oo hashii dhinac ordaya, dabadeed dadkii baa u qayliyay oo yidhi, “weli maanta waad khaldantay.” Markii uu dhawr jeer ku celceliyay, hawshiisii waxay noqotay, tixdii Haadraawi ee ahayd:

 Hadhuudhku Caraale huftoo hufmi waaye

Maxaad kala haadin!

Cali ma dhabaa wuxuu sheegayaa, mise waa dhidarkii onkodku kiciyey? Haa, waa ka danbe. Waayo shirkii London ayaa lagu baraarugay! Qofkuna haddaanu dib u fadhiisan oo su’aalo is waydiin way fududahay in uu sibiq dhaqaaqo. Cali wuxuu guul ka keeni waayay madax tinimaddii Somaliya ee uu ku qanac sanaa. Aragtidiisa mutuxani waxay tusi wayday xaqiiqda uu imika garowsaday ee ah in Siyaad Barre ay SNM. xididada u saartay. Haddii uu arintaa xisaabta ku darsan lahaa raysal wasaasrenimaddiisii dareen ka duwan ka maanta ayaa loo hayn lahaa. Maantana wuu arkay in waaqiciyaddiisa uu shirkii London la dhinac noqon waayay. Caliyow guntii iyo gebagebaddii, barofisoornimadaadu waxay ku fiicnayd intii aad aamusnayd, waa lagu tuhmayey, sidani waa koore ka furad. Waayaha halganka horaan uga sheekeeyey, sidaa laguma gaadho, guulina kama soo socoto.

Comments are closed.