Golaha Guurtida Oo Ka Dayriyey Aqoonta Dhakhaatiirta Ka Shaqeeya Somaliland

0
680
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargeysa (Geeska) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay ka doodday Xaaladda adeegyada Caafimaad ee dalka, Dhibaatada Dhakhaatiirta aan Xirfaddoodu wanaagsanayn ku hayaan Dadweynaha iyo siday muhiimka u tahay in Dawladdu ay arrimahaa hoos u eegto.

Qodobka Caafimaadka oo ka mid ah Qodobbada Ajandaha kal-fadhigooda ayaa Mudaneyaasha Dooddiisa ka qayb-qaatay, waxay dhammaantood isku raaceen in Xaaladda Caafimaad ee Somaliland aanay wanaagsanayn, sidaasi darteed loo baahan yahay in hoos loo eego oo wax laga qabto.

Xildhibaan Dirir oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida ee doodda ka qayb-qaatay ayaa yidhi “Dadka daawaynaya Dadku waa in la hubiyaa oo Hay’adda la yidhaahdo Mihnadleyaasha Caafimaadku hubisaa Dadkan aqoontooda. Waxaan aqaanaa Dadka ka soo baxay Jaamacadda Xamar, dabadeedna Yurub tagay iyo Maraykan oo laga yaabo inay 20 sanadood ama in ka badan inuu Taksi dirawal ka ahaa, wuu soo noqonayaa, meel buu xaadh-xaadhanayaa, waa Dhakhtar ka yimid Maraykan oo Macaanka daweeya, Cunaha daweeya, dhegaha daweeya, Caloosha daweeya, waana la soo xayeysiinayaa, Mihnadda Caafimaadkuna waa Gacan ku hayn..”

Xildhibaan Dayib Xasan ayaa isaguna sheegay inay Caafimaadka Dadweynaha ay khatar gelin karaan Daawooyinka faraha badan ee ay u qoraan Dhakhaatiirta aan Xirfadooddu wanaagsanayn ee dalka shaqeeya “Dhakhtarka Somaliland jooga waad u tagaysaa, wuxuu kuu miisayaa bac daawooyin ah. Sidaanu xog ku hayno ama aanu maqalnay ama aanu aragnay Dad tagay Itoobiyadaa innagu dhow oo muddo bil ah laga maydhayey dawadii ay cunayeen, markii dambana saddex midh la soo siiyey, qaarkoodna aan waxba la soo siinin. Waxaas oo dhami waa shaqadii Dawladda inay ogaato waxa halkaa ka jira.”ayuu yidhi.