Maxaa Madaarka Hargeysa Loogu Soo Dhaweeyay Madaxda Dawladda Somaliya?

0
513

Picture9Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Madaxabanaan ee Haatuf, ayaa shalay baahiyay war yaab ku abuuray dadka reer Somaliland, kaas oo ahaa in qolka uu ku nasto madaxweynaha Somaliland ee madaarka Hargeysa loo furey guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo ku hakaday madaarka, mar uu u soo gudbayay dalka Imaaraadka Carabta, Axadii doraad.

Dhacdadan oo noqotay mid lama filaan ah, waxa ay bulshada dib u xasuusisay 20 June, 2011 oo uu Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin dalka ku soo guryo noqday, wakhtigaas oo ay madaxda madaarka Hargeya ka gaws adaygeen inay Daahir Rayaale Kaahin u furaan qolka nasashada si uu warbaahinta ugula hadlo islamarkaana uu ugu nasto qolka martida. Qolka maalintaas Madaxweynihii hore laga horistaagay wuxuu ahaa qolkan Axadii doraad loo furay guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo lagu yaqaano halka uu ka taaganyahay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland. Waxaana la isweydiin karaa xukuumadda Somaliland ma waxa madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin kala cuslaaday Mr. Jawaari.?

Waxa iyana isweydiin mudan wakhtiga ay dawladda Somaliland ogolaatay in masuuliyiinta xilalka ka haya dawladda Somaliya ee ku hakada madaarada dalka lagu qaabilo qolka martida ee weliba u gaarka ah madaxda sare ee Somaliland. Goormaa la isla qaatay in madaxda Somaliya ee diidan qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ay ku raaxaystaan hadhka iyo nabadgelyada Somaliland ee ay had iyo jeer la daba taaganyihiin warmaha iyo dagaalka.

Mr. Jawaariga madaarka Hargeysa sida diiran loogu qaabilay waa ninka wakhtigii ay Qaramada Midoobay Somaliya u diyaarinaysay dastuurkooda, inta uu Hargeysa iyo Somaliland dhuumasho ku yimdi qoraalo ku diyaariyay in distoorkooda laga taageersanyahay Soamliland, lagana soo ururiyay warbixino.

Si kastaba ha ahaate xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda duulista iyo hawada waxa looga fadhiyaa inay bulshada ka shaafiyaan sababta ku keliftay in madaarka Hargeysa lagu qaabilo guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, sababtoo ah dhacdadani waa mid murugo iyo ciil ku beertay dadka reer Somaliland. Haddii arrinkan si fudud lagu ilduufana waxa dhici doonta in madaarka Hargeya ay si fudud u soo galaan dad Somaliland dambiyo hore uga galay, kuwaas oo ay cid dano gaar ahi ka lihi soo dhawayso iyadoo daboolaysa wejigiisa dhabta ah.