Faysal Cali Waraabe Iyo Wasiir Garaad Oo Shalay Isku Muruxsaday

0
596

cslai waraabHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad) ayaa shalay isku muruxsaday ka dib markii ay ka wada qayb galeen munaasibad uu ururka SOLJA iyo Qaramada Midoobay qaban qaabiyeen oo abaal marino lagu siiyay koox suxufiyiin ah.

Faysal oo khudbadda ku horeeyay ayaa weeraray xukuumadda iyo weriyayaasha xukumadda ka mid noqda oo uu tilmaamay inay siyaasadda ku dawakhaan marka ay xilka wasiirnimo qabtaan. Hase yeeshe Wasiir Maxamuud Axmed Barre oo isna hadalka qaatay ayaa si toos ah u weeraray Faysal Cali Waraabe iyo shakhsiyadiisa, waxaanu yidhi,  “ Dibiga Hirdida badiya Reer kayagu waxay yidhaahdaan madaxaa jaba.” Ayuu yidhi isagoo Faysal ku masaalaya hadalkiisa, waxaanu intaas raaciyay,  “ Faysalow haddaad maalin walba hadasho dadku waxay odhanayaan waa kii Faysal wixiisiiye iska daaya.”

Halkaas markii uu wasiirku hadalkiisa marinayay ayuu Faysal si weyn uga cadhooday weerarka uu wasiirku ku soo qaaday, waxaanu isku dayay inuu telefoonkiisa gacanta ku tuuro, balse wuu la noqday. Laakiin wuxuu sii watay cadhadiisii, waxaanu ku tiraabay ereyo uu ugu hanjabayo wasiirka. Waxaana markaas ay madashii isu bedeshay buuq iyo sawaxan, waxaanay dad badan oo madasha fadhiyay isku dayeen inay xaaladda qaboojiyaan, waanay ku guulaysteen.

Hase yeeshe markii ay xafladu dhammaatay ayay Faysal iyo Garaadku iska cafiyeen tuur-tuurka dhex maray ee ay siyaasadu sababtay.