Shirguddoonka Wakiilada Oo midho ka gaadhay ergadoodii

0
729

Hargeysa(Geeska)-Shirguddoonka golaha wakiilada Somaliland oo ku hawlanaa xalinta khilaaf ka dhex taagan Madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa ku guulaystay inay xoogay isu soo dhawaansho ah sameeyaan.

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inay ergadaasi ku guulaysatay inay Madaxweyne xigeenka ku qanciyaan inuu bilaabo inuu u soo shaqo tago xarunta madaxtooyada oo uu hore u joojiyay, waxaanay taasi keentay inay is qaabilaan labada hoggaamiye, laakiin is qaabiladaas ayaa sida ay ilahani sheegeen ku koobnayd salaam guud, waxaana la filayaa in wada hadalku si rasmi ah u bilaabmo dhawaan.

Khilaafka labada masuul ayaa ka bilaabmay tabashooyin is biirsaday oo uu tirsananayay Madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, waxaana arrimahaas ka mid ah inuu ku dooday inaanu wax wad shaqayn ah Madaxweynaha la yeelan karin inta uu golaha wasiirada ka tirsanyahay wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo sida uu warku sheegay uu ku doodayo inuu kow ka yahay is mariwaaga ka dhex taagan labadooda isaga hoseeya xilka qaranka Somaliland, waxaanay arrintani sababtay xataa in Madaxweyne xigeenku qaadaco shirarka golaha wasiirada, waxaanu ka maqnaaday kulankii u dambeeyay ee golaha wasiirada. Laakiin lama saadaalin karo in Madaxweyne Siilaanyo fulin doono qodobkaas Wasiir Xirsi ku saabsan oo la sheegay inay Madaxweyne xigeenkana ka go’antahay.

Sida ay ilahan xogogaalka ahi sheegeen inkastoo uu distoorku koobay awooda Madaxweyne xigeenka, haddana awoodo badan oo uu lahaa ayay wararku sheegayaan inuu ku doodayo inuu Madaxweynuhu ku wareejiyay xubno wasiiro ah, waxaana la sheegay in Madaxweyne xigeenku tan iyo mudadii xilka loo doortay uu tiraba dhawr goor isku dayay in arrinta wada hadal lagu dhammeeyo balse ay ka suurtoobi weyday dhinaca Madaxweynaha oo la sheegayo inaanay inta badan isu heelin jaanis ay ku sheekaystaan iyago keli ah.

Waxa kale oo jira shaqaalo hoosaad ka tirsan xarunta Madaxtooyada oo la hayb ah madaxweyne xigeenka oo la sheegay in shaqadii laga eryay taas oo Madaxweyne xigeenka ku sii shiday dab uu muddo qarsanayay, waxaana dadka la eryay ka mid ah wiil dhallinyaro ah oo si adag ula soo hawlgalay xilligii lagu jiray ololihii doorashadii madaxtooyada oo culays badani Saylici ka haystay dhinaca gobalka Awdal oo ay ku loolamayeen Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin oo isna gobalkaas ka soo jeeday.