Maxaa Inooga Meel Yaala Gubashada Guryaha Ee Naf Iyo Maalba Ee Soo Noqonoqotay

0
143

Hargeysa(Geeska) Alle haw naxariistee, Hooyo, walaasheed iyo saddex carruur ah oo ay dhashay hooyadaasi ayaa saaka ku geeriyooday dab ka kacay hoygii ay ka deganaayeen magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada 26 June, xaafadda 150-ka.

Sida ciidanka dabdamisku sheegay guriga ay ku noolaayeen ayaa ahaa buul ka samaysan jiingado, waxaana sidoo kale ku hareeraysnaa buulaal kale, taas oo keentay in dabku si degdeg ah u faafo. Carruurta geeriyootay ayaa da’doodu kala ahayd 12 jir, 7 jir iyo 5 jir, dhammaantoodna waxay ahaayeen hablo.

Sababta rasmiga ah ee dabkan ayaa haatan gacanta ku haysa Ciidanka Dambi-baadhista Booliska Somaliland (CID), kuwaas oo wada baadhitaan ku aaddan sida uu dabku ku bilowday.

Dhanka kale, Taliyaha dabdamiska ayaa xusay in waayadan dambe ay sii kordhayaan dababka ka dhasha girgirayaasha, shoogga korontada, ama carruurtu sababa, isaga oo muwaadiniinta ugu baaqay inay feejignaadaan, kana digtoonaadaan wax kasta oo keeni kara dab.

Xukuumada Somaliland ayaa lacag dhan 40 Kun oo dollar ku wareejisay qoyska ay dhibaatadu soo gaadhay, iyada oo masuuliyiinta xukuumadu ay Alle uga baryeen in uu samir iyo imaan ka siiyo xubnaha ka geeriyooday.

Badhtamihii sannadkii hore ayay sidan oo kale caruur yaryari ugu geeriyooday dab magaalada Hargaysa, kadib markii aabahood oo ay hooyadood isku kacsanaayeen uu dab qabadsiiyay guri ay ku jireen.