Madaxweyne Cirro Ayaa Sheegay In Aqoonsigu Aanu Ku Koobnayn Israa’iil Oo Keliya, Balse Ay Jiraan Dalal Kale Oo Dhowaan Ku Dhawaaqi Doona Ictiraafka Somaliland

0
189

HargeysaGeeska)Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in dowlado kale oo badan ay dhawaan ictiraafi doonaan Somaliland.

Kadib aqoonsigii Israa’iil, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in aqoonsigu aanu ku koobnayn Israa’iil oo keliya, balse ay jiraan dalal kale oo dhowaan ku dhawaaqi doona ictiraafka Somaliland.

“Waxaan ugu bushaaraynayaa shacabka in dowlado kale oo badan ay ku soo jiraan waddada, isla markaana ay inna ictiraafi doonaan, haddii Alle idmo. Ciddii ka xun ictiraafka Somaliland waxaan leeyahay danihiinna ku ekaada, Somaliland ictiraafkeeda cid joojin karta ma jirto,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sheegay in dowlado badan oo cadaw ku ah Somaliland ay maanta soo shaac baxeen, balse Somaliland aanay cidna cadaw u ahayn. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu xusay in shacabku u baahan yahay in ay ogaadaan dowladaha cadawga ku ah Somaliland, isla markaana ay cadaw u aqoonsadaan.

Inkasta oo Madaxweynuhu aanu faahfaahin dowladaha uu cadawga u aqoonsaday, haddana dowladaha sida adag uga soo horjeestay aqoonsiga Somaliland waxa ugu mudan Masar, Jabuuti, iyo Turkiga, kuwaas oo si cad uga horyimid aqoonsiga Somaliland.