Xeer Aqoonsanaya Madax Banaanida Somaliland Oo Baarlamaanka Dalka Maraykanka Horyaala

0
132

Xeerka Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland “Somaliland independence Act” H.R 3992 oo lagu soo bandhigay fadhigii  119-aad ee aqalka koongareeska Maraykanka (2025-2026) waa hindise sharci oo beddeli kara siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Somaliland  xeerkan waxa hormuud ka ahaa Xildhibaan Scott Perry (R-PA) oo ay weheliyaan xildhibaano kale waxana loo gudbiyay gudidda Arrimaha dibeda ee Aqalka wakiiladda maraykanka.?

?Xeerkani waa uu ka duwan yahay hindisayaashii hore (sida Somaliland Partnership Act) oo diiradda saarayay iskaashi iyo wada-shaqayn iyada oo aan la gaarin aqoonsi rasmi ah.

??Nuxurka Xeerka Waxa Ugu Mudan Qodobadan

??1) Waxa uu aqoonsanayaa dhulka loo yaqaan Somaliland inuu yahay dal madax-bannaan, kana duwan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.?

?2)Waxa uu caddeynayaa in sheegasho kasta oo ay Soomaaliya ku leedahay Somaliland ay tahay “mid aan ansax ahayn oo aan sal iyo raad toona lahayn.?

?3)Waxa uu u oggolaanayaa in  Madaxweynaha Maraykanka uu si rasmi ah u aqoonsado madax-bannaanida Somaliland.?

?Muddo dheer, siyaasadda dibadda ee Maraykanku waxa ay ku dhisnayd mabda’a “Hal Soomaaliya”, taas oo macnaheedu yahay in Maraykanku si rasmi ah u aqoonsan yahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya (oo ay Somaliland ku jirto) inay tahay hal dal.?

?Hadaba haddii xeerkani  sharci noqdo, waxa ay noqon doontaa isbeddel weyn oo ku yimaadda siyaasadda Maraykanka, maadaama uu si cad u taageerayo madax-bannaanida Somaliland.?

?Aqoonsiga Maraykanku waxa uu sare u qaadayaa meeqaamka caalamiga ah ee Somaliland, wuxuuna saameyn balaadhan ku yeelan karaa go’aamada dalal kale.

?Siday ku doodayaan Xildhibaanada xeerkan soo gudbiyay iyo siyaasiyiin waaweyn oo reer Maraykan ahi waxay aragti ahaan rumaysan yihiin in xidhiidhka Somalilanday faa’iido weyn u yeelan karo amniga Maraykanka  gaar ahaan Badda Cas iyo Geeska Afrika, oo ah gobol ay ka jirto tartan siyaasadeed iyo mid amni oo sii kordhaaya sida oo kale dooddo Kongareeska ka dhacay ayaa xidhiidhka Somaliland u arka arrin istiraatiiji ah oo muhiimad weyn leh.

https://www.congress.gov/bill/119th-congress/house-bill/3992/text/ih?fbclid=IwdGRjcAP

W/Q:Siddiiq Cabdi Ismaaciil