Maxaa Baajiyay Safarkii Madaxweynaha Turkiga Ee Somaliya?

0
581

dailMuqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa baajiyay booqasho la qorsheeyay inuu shalay ku tago magaalada Muqdisho ee wadanka Somaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa looga diyaar garoobay soo dhawaynta Madaxweynaha Turkiga, laakiin Madaxweyne Erdogon ayaa si kedis ah u baajiyay safarkaas, waxaana la sheegay inuu u baajiyay ka qayb galka aaska boqorkii wadanka Sucuudiga oo shalay lagu aasay wadanka Sucuudiga oo uu ka qayb galay.

Khamiistii ayaa la qarxiyay hotel ku yaala Muqdisho oo loo sii diyaariyay in lagu qaabilo Madaxweynaha Turkiga, iyadoo ay markaas ku shirayeen wufuud hordhac u ahayd safarka Madaxweynaha Turkiga, laakiin Turkiga ayaa sheegay inaanu weerarkaasi baajin doonin safarka Madaxweynaha.

Ma jiro wakhti rasmi ah oo loo qabtay booqasho Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho, waxase la sheegay inuu sida ugu dhaqsaha badan u iman doono.