Dhallinyarada Jiidali Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Dadkii Sida Adag Uga Hadlay Xadhigoodii

0
522

jidaalaye?Hargeysa(Geeska)-Xubnihii ururka dhallinyarada jiidali ee ay dhawaan xukuumadda Somaliland xidhay balse la soo daayay ayaa qabtay hadhimo sharafeed ay ugu mahadnaqeen cid kasta oo ka dhiidhiday xadhigoodii.

Waxaana kulankaas ka qayb galay siyaasiyiin iyo dad kale oo tiro badan. Guddoomiye xigeenka Jiidali Xamse Xasan Cabdiraxmaan oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay ururka Jiidali oo uu sheegay inaan la iibsan Karin.

Wuxuu Mr. Xamse, sheegay inay u mahadcelinayaan cid kasta oo cambaaraysay xadhigoodii, “Waxaanu u mahadnaqaynaa dadkii ka dhiidhiyay xadhigii ku dhacay dhallinyarada Jiidali. Qodobka labaadna waa hambalyo aan u dirayo qurbe joogii jiidali ee ka qayb qaatay cambaaraynta xadhigaas. Waxa kale oo aan tallo ku soo jeedinayaa marxalada aynu maanta marayno waynu wada ognahay oo waxa loo baahanyahay in waxgaradka iyo dhallinyaradu gacmaha is wada qabsado. Waxa kale oo aan idiin sheegaynaa inaan jiidali la iibsan Karin.” Ayuu yidhi guddoomiye xigeenka Jiidali oo ka hadlay dilal ka dhacay Hargeysa, isagoo si gaar ah u soo qaatay wiil dhallinyaro ah oo toddobaadkan lagu dhex dilay dooxa Hargeysa, goor habeenimo ah.

Guddoomiye xigeenka xisbiga UCID Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo halkaas ka hadlay ayaa isna yidhi “Ilahay ha uu naxariiste nin anuu saaxiib ahaan jirnay wakhtigii xalganka ah oo dhintaay 1988 magalada Hargeysa, oo la odhan jirey Cali Sheekh Cumar Askar ayaa waxa igula dardaarmay haa diideen dhalinyarada yar yar ee uu sheekee. Wayoo shekadaada ayaa uu cilmii ah oo marka waxa uu jeeda kuwii yaraa ee ardayda ahaa ee xalgaanka nagula jirey, haa diidin inay kula fadhistaan wayoo sheekadan anuu ku sheekaysanayno waxay uu tahay iyaga cashaar.

Ila maalinta dhalinyarada umaa khudbadeyoo ee waan uu sheekeyaa, 1982 1dii February waa tii dhagaxtuurki uu ka dhacay Hargeysa, dhagaaxtuurka dhalinyaraadi dhigan jirtay iskuulada faraax oomaar iyo iskuulada kale ka soo baxday ee la qabqaabtay baa la xidhxidhay, mandheera ayaa loo direy. Nassib wanaag waxa loo direy nin weyne oo abwaan ahaa oo ku xidhan mandheera oo la odhan jirey Qaasim, bay ugu tageen xaabsigaa.

Dabadee waxay yidhadeen Qaasimoow bal wax naa dhe, wuxu yidhi Da’dii naga yarayd ee wax add fasheen wan ku diirsaaday allah ha idin dayee, xil baad naga dul qadeen danuntii ayaa naga qodeen nagu daboolnayd, baymoon Allaha sii barbaraa-weyn. “

Cali Gurey oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxaa ann leeyahay intaa uu qaasiim yidhi oo ah danuuntii ee nagu daboolnayd, ee jidaali waa isbadal doon. Horumaar Hadad donayso inay siyaasada horumaarto, dhaqaaluhu inay horumaarto waa isbadeel doon. Waxanse idin sheegayaa isbadeel doonki ugu adkaa raga ka nool ban ka ahay waxa iga weyn Maxamed Xashiyow. Isbadeelku wu dhibaato badan yahay oo way cadoow badan yahay, hadaba ugu talo galaa cadowgaga ugu horeeyaa waa inta kugu jecel ee isbadeel doonka ah, cadoowgiisa ugu horeeyaa waa adiga kugu jeceel oo laga yaabo inn walidkaa ku jiro. Wayoo hadaaynan hoyaada jeclayn way xidhan tahay, haadi kale waxay ku odhan lahayd iska fadhii, marka intaydan isasoo diyaarin cidii add is hayseen inta kugu jeceel banaad kala dhamanayn marka ugu horeysaa.”

Wuxuu Cali Gurey yidhi “Raguna wuu kala hadhaa wanaa laga leexaa anaguba qaar ba naga soo geli jirey oo imika wasiiroo ah, raagna wuu adkaastay xalgaankan add wadaan anigu runtii wan ku tiirsaaday sidaa qaasim uu tiirsaaday xabaada ka dhacayse hargeysa, iyo dhalinyarada laa xidhxidhay iyo dhagaaxtuurki dhacay sidaa ugu tiirsaaday, ayaa runti ann anigu ugu tiirsaaday qaybtaa add ka qadateen. Wayoo xalgaan ann dhalinyaardisu laafdhabaar uu ahayn, oo anay neeftooda uu horeyn oo anay wakhtigogaa uu hureynini maa hirgaalo.” Sidana waxa yidhi Mujaahid Cali Maxamed Yusuf (Cali Gurey) 

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga UCID Md. Cabdirashiid Xasan Mataan iyo wasiir xigeenkii hore ee amniga Cabdillaahi Abokor ooka waramay xadhigiisii iyo arrimo kale.