Maxaa Aamusiiyay Madaxweyne Siilaanyo? Geeska Afrika Staff Writer

0
587

Hargeysa(Geeska)-Maalmihii u dambeeyay waxa Somaliland si weyn looga dareemay dil fool xun oo habeenimadii Isniintii ka dhacay deegaanka Seemaal ee u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki. Waxa isna dilkaas ka horeeyay mid ka dhacay degmada Yagoori ee gobalka Sool.

Siilaanyo-MJ

Dilkaas deegaanka Seemaal wuxuu abuuray dareen xasaasiyeed oo ku xidhiidhsan khilaafka deegaanka Ceelbardaale oo hore u sababay dilal iyo barakac, waxaana u xidhan masuuliyiin iyo odayaal, waxaana magaalada Borama khamiistii ka dhacay dibad bax xoog badan oo lagaga soo horjeeday xadhiga nin siyaasi ah oo lagu haystay hadalo xanaf leh oo uu ku cabiray dilkaas foosha xun ee ka dhacay deegaanka Seemaal. Sidaas oo kale waxa isna deegaanka Yagoori ee gobalka Sool ka taagan is mari-waa uu sababay dilka askari ka tirsanaa ciidamada Booliska oo uu dilay askari kale oo ka tirsan ciidamada qaranka.

Inkastoo ay xukuumadu dilka Seemaal ka qaaday talaabo adag kana istaagtay mawqif adag oo dawladnimo, haddana weli si rasmi ah looma cadayn in la hayo ciddii dilkaas ka dambaysay waxase ay xukuumadu sheegtay inay baadhis culus wadaan. Odayaasha deegaanka Yagoori ayaa iyaguna la sheegay inay xukuumadda ku gacan saydheen qorshe ay ula tagtay oo ah inay qaataan magta askarigii Booliska ahaa oo ka tirsanaa deegaankaas iyo weliba inay guddoomaan xaal qaran oo ay xukuumaddu ka bixinayso dhibaatooyin ay sheegeen inay ka tirsanayaan ciidamada qaranka. Labadan arrimood oo marka la eego marxaladaha ay ku soo beegmaan u muuqda kuwo miisaan culus leh, ayaa waxa ay dad badani u arkaan inay yihiin kuwo lagu doonayo in Somaliland dhexdeeda xasarad lagaga abuuro islamarkaana ay ku soo dhex dhuuman karaan kooxo kale oo wata ajandayaal siyaasadeed maka si cad loo taabtana waa kuwo qaranimada Somaliland lagu soo dhex tuuray.

Dhacdooyinkan waxa ka hadlay masuuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan. Laba habeen ka hor waxa saxaafadda madaxabanaan ka hadlaya taliyaha guud ee ciidamada qaranka oo iska difaacay eedaymo loogu jeediyay dilkaas ka dhacay deegaanka Seemaal, waxa isna xidhan la taliyihii Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Abiib Diiriye Nuur oo ay xukuumadu sheegtay inay u xidhay tuhun la xidhiidha dilkaas balse aan weli lagu cadayn. Sidaas daraadeed, waxa ay dad badani isweydiinayaan sababta uu Madaxweyne Siilaanyo umadda ula hadli la’yahay islamarkaana ugu guubaabin layahay inay muujiyeen midnimo iyo wada jir islamarkaana ka war sugaan tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadayso. Sida qaalibka ah marka ay dalka soo food saaraan arrimo siyaasadeed oo saamayn ku leh dawladnimada dalka Madaxweynuhu wuxuu umaddiisa u jeediyaa khudbad saafan oo waafi ah.  Marka ay sidaas tahayna Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa looga baahanyahay inuu shacabkiisa warbaahinta kala hadlo islamarkaana uga xog waramo halka ay xukuumadiisa u marayaan baadhitaanada dilalka dhacay gaar ahaan kan foosha xun ee ka dhacay Seemaal ugana warbixiyo qorshayaasha dawladda ee ku waajahan dilalka noocan oo kale ah oo sababi kara khasaare iyo duufaano siyaasadeed oo aanay Somaliland iska xejin Karin. Waa inuu Madaxweynuhu umadda khudbad u jeediyaa isagoo maanka ku haya dagaalkii Kalshaale, xurguftii Ceerigaabo, dilkii Yagoori, dilka Seemaal iyo weliba dhibaatooyinka ay keeni karaan. Madaxweynaha waxa kale oo looga fadhiyaa inuu la yimaado go’aan hoggaamiyenimo oo uu masuuliyiintiisa iyadoo uu dalku xaaladan ku jiro warbaahinta ka hadlaya ku xakameeyo.