Cawil Oo Cambaareeyay Dilkii Seemaal Ka Dhacay

0
839

Hareysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu si adg uga hawl galo sidii sharciga loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay saddexdii muwaadin ee dhawaan lagu dilay deegaanka Seemaal.

Cawil, oo isagoo Nayrobi jooga xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu tacsi u diray dadka ay ka geeriyoodeen saddexda ruux ee la dilay, “Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan umadda ay ka geeriyoodeen saddexda nin ee lagu dilay deegaanka Seemaal, Allena waxaan uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo,  waanan cambaaraynayaa cidda ka dambaysay falkaas.” Ayuu yidhi Cawil, waxaanu intaas raaciyay, “Dilkaasi muu ahayn inuu dhaco, waxaanan qabaa waxyaabahaas oo kale inay qaranimadeena dhaawac u gaysanayaan haddii aan deg deg wax looga qaban. Waxaan Madaxweynaha ka codsanayaa inuu talaabo deg deg ah qaado oo cidda lagu tuhmo falkaas  jago kasta ha hayee sharciga la horgeeyo waayo waa arrin inoo kala saaraysa beelo beelo oo kala dilaysa dadka is aaminay ee qaranimadooda la soo noqday.”

Cawil, wuxuu Madaxweynaha u soo jeediyay inuu gacanta u qabto hawlgalka dadkii falkaas gaystay sharciga lagu horkeenayo, “Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa inuu qaado oo uu isagu gacanta u qabto talaabo sharciga lagu horkeenayo dadka falkaas gaystay si ay umaddu isu aaminto waayo waa fal loogu tallo galay inuu umadda walaalaha ah kala kaxeeyo. Madaxweynaha umaddani isagay dooratee waxaan ugu baaqayaa inaanu arrintan sahlanin oo uu hubiyo in dadkaas si rasmi ah sharciga loo horkeeno.” Ayuu yidhi Wasiirkii maaliyadda ee xukuumadii hore ee xisbiga UDUB.