Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacabka Kala Qayb Galay Maalinta Ololaha Nadaafada

0
504

ohmedHargeysa (Geeska)- Maalinta ololaha nadaafadda Somaliland oo uu hore madaxweynaha Somaliland u go’aamiyey ayaa shalay si weyn looga dareeray dalka, waxaana isu soo baxayo lagu nadiifinaayo magaalada Hargeysa laysugu soo baxay xaafadaha iyo goobaha qashanka lagu uruuriyo ee kala duwan.

Ololaha nadaafadda waxaa hormuud ka ahaa madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo iyo marwadiisa Aamina Sheekh Maxamed Jirde, waxaanay dadweynaha caasimada kala qayb qaateen uruurinta qashinka iyo xaadhitaanka goobaha qashinka. Madaxweyne Siilaanyo ayaa hawsha nadiifinta magaalada wuxuu ka bilaabay xaafadda Total, halka ay marwadiisuna ka bilowday madaxtooyada horteeda.

Madaxweynaha oo xaafada dumbuluq, gaar ahaana isgoyska Total kula hadlaayey warbaahinta ayaa ka waramay ololaha nadaafada “Maanta waxaa weeye maalintii nadaafada waxaynu u tashanay qaran ahaan inaynu maanta u qoondayno maalinta nadaafada oo aynu kuligeen ka wada qeyb galno, sidii dalkan iyo dadkan nadaafadiisa aynu kor ugu qaadi lahayn, Magaalooyinkeena iyo wadooyinkeena weyn oo dhan, Ololahan nadaafaduna waa mid alnaafatu minal iimaan, aad iyo aad bay muhiim inoogu tahay saxada dadka nadaafada iyo quruxda magaalooyinkeena, waxweyn bay ugu fadhidaa inaynu dad ahaan dawlad ahaan iyo shacbi ahaan iska kaashano in aynu nadaafada aad iyo aad kor ugu qaadno taasoo aan ka socon gobolkan oo keliya ee ay ka socota dalkoo dhan maanta insha allaahu tacaalaa illaahay waxaan ka baryayaa inuu inagu guuleeyo taana aynu marwalba meel uga soo wada jeesano”

Intaas kadib Madaxweynaha ayaa degmooyin kala duwan ku soo maray kormeer la xidhiidha maalinta ololaha nadaafada, sida degmooyinka Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacanlibaax, 26 June, 31-ka May iyo Ibraahim Koodbuur.

Maalinta nadaafada ayaa si weyn waxaa uga dhex muuqday qaar ka mida haya’ddaha dawladda, kuwaas oo ka hawl galaayey goobo kala duwan, isla markaana dadweynaha kala qayb qaatay. Wasaarada ka dhex muuqday waxaa ka mid ahaa wasaarada maaliyada, wasaarada caafimaadka, wasaarada madaxtooyada, wasaarada war-faafinta, wasaarada duulista, wasaarada qorshaynta qaranka, wasaarada ciyaaraha iyo Hay’adda shaqaalaha dawladda, kuwaas oo ay hor kacaayeen wasiirada iyo maamulada kala duwan.

Ololaha ayaa sidoo kale waxa aad uga dhex muuqday ardayda dugsiyada oo nadiifiyay qaybaha kala duwan ee magaalada.