Guddoomiyaha Cusub Ee Jaamacadda Hargeysa Oo Shalay Xilkii La Wareegay

0
663

taajirHargaysa( Geeska )-Gudoomiyaha dhawaan loo doortay jaamacada Hargeysa Dr.Cabdi Xuseen Gaas, ayaa shalay si rasmiya xilkaas loogu wareejiyay.

Xaflad kooban oo xil wareejintaas loogu qabtay gudaha jaamacada Hargaysa, waxa ka soo xaadiray gudida cusub ee dhawaan loo sameeyay jaamacada, gudoomiyaha xilka la wareegayay Dr.Cabdi Xuseen Gaas, Gudoomiyahii hore ee xilka jaamacada wareejinayay Muuse Aadan Axmed, guddoomiye xigeenka Eng. Maxamed Cali Xirsi, macalimiinta jaamcada iyo masuuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarasha ee Somaliland.

Ugu horayntii gudoomiya gudida jaamacada Hargaysa Dr.Sacad Cali Shire ahna wasiirka qorshaynta , oo kulankaas furay ayaa ka waramay sida ay gudidoodu ku soo xuleen guddoomiyaha cusub ee jaamacada Hargaysa, waxaana hadaladiisa kamid ahaa “ Waxay nagu qaadatay soo xulida gudoomiyahu ilaa laba bilood waana la xayaysiiyay, dad badan ayaana soo codsaday, markaanu codsiyadii wada eegnay Dr.Axmed oo kaliyaata ayaa nooga soo baxay, waxay nala noqotay in aan qof kaliyaata waraysi lala yeelan ee ugu yaraan saddex qof waraysi lala yeesho, sidaas awadeed waxaan go’aansanay in aan mar labaad xayaysiino, dad badan ayaa soo codsaday, waxa markii danbe noo soo baxay oo aan kala dooranay shan qof, markaan waraysi la yeelanay gidigoodba waxaan isku raacnay ka gudi ahaan Dr.Cabdi Xuseen Gaas inuu yahay qofka ugu haboon ee jaamacada hogaanka u qaban kara, waanan ku hanbalyaynaynaa.” Dr.Sacad isaga oo hadalkiisa siita waxa uu yidhi “Waxaanan anigu qabaa in ay jaamacad Hargaysi aad u nasiib wanaagsantahay, anaga guddi ahaana aanu aad ugu nasiib wanaagsanahay inaan helno Dr.Cabdi Xuseen Gaas oo kale.”

Intaas kadib wax halkaas ka hadlay gudoomiyahii hore ii jaamcada Hargaysa Muuse Aadan Axmed oo ku hanbalyeeyay gudoomiyaha cusub xilka loo soo magacaabay, waxaanu ka hadlay waxyaabaha uu wareejinaayo.

Gudoomiyahii hore ee jaamacada Hargaysa Muuse Aadan Axmed waxa uu goobtaas ka sheegay inuu gudoomiyaha cusub ku wareejinaayo tirada ardayda jaamacada dhigata oo dhan 3538, shaqaale guud ahaan dhan 115, waxa kale oo uu ku wareejiyay lacag kaash ah oo jaamacada u taala xisaabaadka ay ku leedahay bangiyada iyo xawaaladaha oo dhan 1,47868 Dolar iyo 4136711 oo Somaliland Shilin ah, lacagtaas oo uu ku qadaray inay mushaharka bisha ugu horaysa ee jaamacada tahay, waxa kale oo uu ku wareejiyay 45,513 Dolar oo dayn jaamcada lagu leeyahay ah.

Ugu danbayntii gudoomiyaha cusub ee la wareegay gudoomiyanimada jaamcada Hargeysa Dr.Cabdi Xuseen Gaas, ayaa xilkaas loo dhiibay loogu dhaariyay xafladaas loogu wareejinayay, waxaanu dhaartaas kadib hadalo kooban uu  soo jeediyay ku sheegay inuu awooda saarayo sidii loo dardar galin lahaa jaamcada Hargaysa, waxaan hadaladiisii kamid ahaa “Waxa aan marka u horaysa umahadnaqayaa gudida isu xil saartay inay doorato gudoomiyaha jaamacada, aadna waxaan ugu faraxsanahay inaan ahay ninkii ku guulaystay, sidaasna masuuliyad badan ayaa la socota waanan ka war hayaa, laakiin waxaan umahadnaqayaa dadka aan garabkooda ku taaganahay, waxaan ka wadaa dadka jaamacadan soo dhisay ama Muuse iyo gudoomiyayaashii ka horeeyay, waxaan ku faraxsanahay in fursad laysiiyo dalkii hooyo ee aan ku koray inaan wax u qabto, tacliintuna waa wax aniga aad iyo aad iiigu wayn oo aan jeclahay waxii aan ka gaysan karo in aan ka gaysto.” Isaga oo gudoomiyahu hadalkiisa siiwata waxa uu yidhi “ Waxaan kalsooni weyn ku qabaa in wax weyn laga badali karo jaamacadan, waxa laga hadlay lacagta maamulkeeda iyo xisaabaadkeedaba waan ka shaqayn doona, laakiin jaamacada waa in loo arkaa inay himiladeedii gaadhay, waxaan jeclahay inaad is gaadhsiisaan jaamacadaha adduunka iyo kuwa Afrikaankuba ardayda lacagta waxa laga guraa intaanay fasalka galin, maxaa yeelay shaqaalaha iyo macalimiinta intaas shaqaynaayay waa in lacagtooda la baxiyo, lana odhan maayo arday baan lacagtii baxin,  waa in ardayda lacagta laga guraa, ardayda iyo cid kastana waan la shiraynaa.”