Masuul Ka Tirsan Madasha Toosinta Oo Xukuumadda Ku Cambaareeyay Dagaalka Ay Saxaafadda Ku Hayso

0
672

Picture2Hargeysa (Geeska)-Mujaahid Axmed Ibraahim Xaaji Xasan oo ka mid ah Madasha Wada tashiga ayaa Xukuumadda Somaliland ku tilmaamay inay cabudhin iyo dhibaato xoogan ku hayso Shacabka kale duwan ee Somaliland,waxaanu barbar dhigay oo uu sheegay inay la mid tahay Dawladdii Faqashata ee uu Siyaad Bare Madaxweynaha u ahaa,isaga oo tilmaamay inay la timid filicadii lagu yaqaanay Faqashta, waxaanu carabka ku dhuftay inay jiraan Wasiiro Xukumaddan ka tirsan oo Dawladdii Siyaasad Bare basaasiin u ahaa.

Axmed ibraahim Xaaji Xasan ayaa Xukumadda ku dhaliilay Xadhigii lagula kacay Guddoomiyihii Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, waxaanu Shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay ficil la yimadaan oo ay ku Mudaharaadan Xukuumadda, waxaanu ugu horeyn yidhi isaga oo wareysi khaas ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika “Anigu oo ka mid ah Madasha Wada tashiga, waxaan jecel ahay in aan ka hadlo ilaa Saddex qodob oo ku saabsan tacdiga xun ee  Dawlad ku sheegani ay ku hayso Saxaafadda, iyada oo markii hore xidhay Wargeyska Hubaal, haddana ay xidhay Wargeyskii Haatuf, iyada oo aan u soo marin sharciga, markii dambe ee ay Maxkmada yimaadeen ay Niman Wasiiro ahi ay u xoog sheegteen,oo ay qafasheen, waxaana igu maqaalo ah inuu hadda ku xidhan yahay Gabiley,  taas oo saq-dhexe la qaaday, koley jidh dilna wey ku sameeyeen, Sharcigi ayey ku tunteen, Cashuurtii iyo Xoolihii shacabka loogu adeegi lahaa in lagu dulmiyo maaha, Maantana waxa aan dadka kula talinaya oo aan ku boorinaya in aanay dhaaftay wakhtigii hadalka waxaana haboon in aanay eegan sida xun ee Xukuumaddani Sharciga ugu tumaynayso ee waa inay ka dhiidhiyaan, oo ay ka mudaharaadaan,lana yimadaan ficil, haddii sharcigii dalka xakameyn lahaa haddii si aan sharci ahayn laguugu adeegsanayo adiga, wakhtigii dawladdii Faqashtu  jiri jirtay, waxa dadkeeni u dhinteen inaynu u madax banaano xoriyadeena dhinaca hadalka”.

Axmed Ibraahim Xaaji Xasan  isaga oo ka hadlaya Wasiiro uu sheegay inay Basaasiin u ahayeen Dawladii Siyaad Bare ayaa yidhi “Maanta waxa dalka ka Wasiiro ah oo la wada og yahay Basaasiintii Siyaad Bare, haddii ay isticmalaan wixii uu isticmaali jirey Afweyne, waa wax aan suurtagal ahayn, waa mid u baahan in laga dhiidhiyo, oo la iska qabto, Xukuumaddana inay ku dhaqmayso ficilkii Faqashtii ayaa waxa ku caddeynaysa sida ay Habeenkii Guriyaha ugu daadanayaan, dadka ula baxayaan, ugu nixinayaan, waxaana la sheegaya inay Caruuri saskii ay ka qaaday u dhinteen, kuwa Guriyaha u dhaca waxa ay doonana ayey Guriyaha ka qaataan, Xukuumadda, Xukuumnad la mid ah oo ina soo martay ma jirto, waa Xukuumad xalaashatay xumaanta.