Xisbiga Waddani Oo Sheegay Inay Xukumadda Ka Diideen Inay Casuumaan Odayaasha Somaliya

0
613

Hargeysa (Geeska)-Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac),oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga, ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland ay ula timid dalab ah inay Xisbi ahaan casuumaan Odey dhaqameedkii ka yimid Somalia, waxaanu caddeeyey inay dalabkaas ka diideen, isaga oo Xukuumaddana ku tilmaamay inay dalka ka gashay  dambi Qaran.

Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay beeniyey in Xisbiga dhexdiisa aanu ka jirin wax khilaaf ah,“Xukuumadda Somaliland ayaa  noola timid dalab ah in aanu casuuno Odeyaashii ka yimid Somalia, dalabkaasna waanu ka diidnay, maxa yeelay Odeyaal qudha mey ahayn oo xittaa waxa  la socday Siyaasiyiin Somalia ka socda, iskamay iman ee waxa gogol u fidisay Xukuumadda Maanta dalka ka talisa, oo waxa ay dalka iyo dadkaba ka gashay dambi Qaran oo aan Saamaxad lahayn, waxaana aynu la wada soconaa Odeyaashani iyo Siyaasiyiintana wada socdaa ujeedo fog u socdaan”. Xoghayaha fulinta Xisbiga Waddani oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xisbiga UCID uu casuumay, xorna isaga ayaa u ah hawlihiisa gaarka ah, balse waxa dhab ah in markii uu casuumay oo xogo badan ka ogaaday hawlaha ay u socdaan, kadib ay soo bandhigeen fikirka ay ka aamisan yihiin, markaas anagu ka Xisbi Waddani ahaan waanu ku taageersan nahay UCID”.

Cabdirashiid Maxamuud Cali oo beeniyey wararka sheegay in Xisbigooda khilaaf ka dhex jiro ayaa yidhi “Waa been, wax ka jiraana ma jiro in Xisbiga dhexdiisa khilaaf ka jiro, Xisbigu uu isku duuban yahay, waa isku afkaar, dad cadaw ku ah xisbiga ayaa  hawshaas wada, dabadana ka riixaysa, balse iyaga ayaa iska daalaya”.

Ugu dambeyntii isaga oo ka hadlay xadhiga lagula kacay Guddoomiyaha iyo Tifatirihii Haatuf, ayaa yidhi “Dulmi ayaa lagu xidhay Guddoomiyihii iyo Tifatirihii Wargeyska Haatuf, sifo cad oo sharciga waafaqsan looguma yeedhin,loomana soo marin, xeerka Saxaafaddana looma raacin, laakiin inta la soo aftuumay oo  Maxkamada loogu yeedhay ayaa si bilaa ixtiraama loola dhaqmay, loona xidhay, taasina waxa ay ku tusaysaa inay Xukuumaddani sharcigii dalka sida ay doonto ugu dhaqmayso”.