Ururka Rays Oo Shalay Soo Bandhigay Taageerayaasha Uu Ku Leeyahay Maroodi-jeex

1
557

 

Hargaysa( Geeska)- Urur siyaasadeedka Rays ayaa wajigiisii labaad ee lololaha doorashada golayaasha deegaanka ka sameeyay dagmooyinka kala duwan ee magaalada Hargaysa.

Urur siyaasadeedka Rays ayaa si xoogan ay musharaxiintiisu isugu soo saareen tiro badan oo kamid  ah dadka reer Hargaysa ee taageersan, waxaanay guud ahaan ku soo wareegeen xafiisayada kala duwan ee ururkaas. Guddoomiyaha ururka Rays ee gobalka Hargeysa Mr. Cabdirisaaq Ismaaciil Kildhi, ayaa kormeer ku soo maray xafiisyada ay murashixiintu ka furteen caasimadda Hargeysa.

Qaar ka mida musharaxiinta urur siyaasadeedka Rays uga tartamaaya caasimada Hargeysa oo la hadlay taageerayashooda isugu soo baxay garoonka kubada cagta xaafada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa ayaa taageerayaashooda uga  mahad celiyey sida ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan, iyaga oo kula dardaarmay inay maalinta doorashadana si weyn ugu  soo baxaan goobaha codbixinta.

Gudoomiyaha gobolka maroodijeex ee ururka Rays Cabdirisaaq ismaaciil Maxamed (kildhi) ayaa isaguna dhankiisa xadhiga ka jaray 9-xafiis oo ay murashixiinta ururkaas ka hirgeliyeen xaafadaha Xore-awr, Cabaaye, Boqol iyo Kontonka, Jigjiga yar, goljano iyo Xawaadle.

Xafiisyadaas uu gudoomiyahu xadhiga ka jaray waxa ka mid ahaa xafiiska  Musharax Saleebaan Xuseen Axmed (Salo) Oo Ku Yaala Xaafada Goljano, waxanu musharaxani taageerayaashiisa u soo bandhigay waxyaabaha uu qabandoono hadii ay doortaan, waxaanu kula dardaarmay inay codka siiyaan maalinta doorashada.

Gudoomiye ku xigeenka ururka Raysa isla markaana ka mid ah musharaxiinta urur siyaasadeedka Rays uga tartamaaya caasimada Hargeysa Axmed Aadan Cilmi Dhoola yare oo isaguna la hadlay taageerayaasha ururka Rays ayaa u soo jeediyey  inay nabad galyada ilaaliyaan isla markaana waxa uu uga mahad celiyey sida ay u muujiyeen taageerada ay u hayaan ururka.

Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka ururka Rays Axmed Aadan  Cilmi Dhoolayare waxa uu xukuumada u soo jeediyey in aanay kharashka muraaqibiinta ururada ka bixin xisbiga Kulmiye oo kaliya balse ay ka wada bixiso ururada iyo xisbiyada kale ee ku  tartamaya doorashada golaha deegaanka, taas oo uu ku tilmaamay inay ka qayb qaadanayso inay doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo dalka.

Comments are closed.