Masuul Hore Uga Tirsanaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Oo Ka Hadlay Wax Qabadka Ay Madaxtooyadu Sheegatay Ee 70%

0
714

 

raageHargeysa(Geeska)-Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Md. Maxamuud Raage Ibrahim, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war-murtiyeedka ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku sheegtay inay 70% fulisay balanqaadyadeedii wax qabad.

 

Md. Raage, oo iska casilay xilka wasaaradda arrimaha dibadda, wuxuu Geeska Afrika soo gaadhsiiyay qoraal laba bog ah oo uu ciwaan uga dhigay taariikhda iloobi mayno, taariikhduna iloobi mayso, waxaanu ku bilaabay sidan: “Miyaad qol keligaa fadhiisan kartaa oo odhan kartaa waan is baadhayaa oo dhaqtar baan isu noqonayaa, mudo dabadeedna ku dacwiyi karta waan is daaweeyey oo waan bogsaday, taas waxaa la mid ah dawlada inta ay 3 casho fadhiday  ee tidhi 70% , baanu oofinay waxqabadkii aan balan qaadnay, taasi runtii xaqiiqda ayay ka fogtahay, aniga oo aan ka hadal dhamaan qeybaha iyo laamaha kala duwan ee dalka, waxaan ku gaabsanayaa dawlad wanaaga iyo fidinteeda maxaa laga gaadhay.

Maalintii ay dawladu dhalatay ilaa maanta waxa laga bixi waayey isku shaandhayn wasiiro, waxaa lagu cayaaray ama la dulmiyey rag iyo dumar sharaf iyo karaamo qarankan ka mudnaa, qaar Sadex bilood masuul laga dhigay kadib la eryey, qaar iyaga oo is casili lahaa layidhi jooga laba todabaad kadibna la eryay, qaar iyaga oo muujiyey shaqo wanaag dismissal abaal marin looga dhigay, badhasaabo in shaqadoodu tahay sadex biloodle  aad moodo ayaa jira, sida  gobolka Gabilay, waxaa taa dheer waxaad arkaysaa wasaarado illaa 6 ama 7 bilood agaasime la’aan ahaanaya sida tii aan iska casilay ee arimaha debeda, arimaha gudaha, awqaafta iyo kuwo kale.

Waxaad arkaysaa xafiisyadii dawlada oo aan ka shaqeynay gobolada dalka oo ka hawlgelaya caasimada Hargeysa  oo qudha si tayo liidata, waxaa xaqiiq ah in aanay cadeyn mandhayat ay wasaaraduhu kala leeyihiin, ama wasaarada gudaheedu kala leedahay in aanay jirin.

Waxaan idin xasuusinayaa waqtigii ay wafdiga Somaliland u baxayeen London, iyada oo la ogyahay in Visa ay safaarada UK ee Addiss bixinaysaa yihiin 5-6 qof oo qudha ayaa madaxdii qaranka loo diray Addiss oo ay ka mid yihiin wasiiro, dawladuna way ogeyd xaqiiqda, waxay ahayd arimihii aan aad uga cadhooday.

Isku soo wada duubo beenaale  markhaatigiisuu -fogeeyaaye, anigu maamul xumada dalka ka dhacday iyo milga xumada , kala danbeyn la’aanta iyo ixtriraam la’aanta aan la dhowrayn karaamada iyo sharafta dawladnimada, waxaa ka marqaati kacay, Axmed Talyaani oo ahaa gudoomiyihii ururka Nasiya, oo anigana si adag iigu jawaabay markii aan ka dhiidhiyey sida wax u socdaan, aniguse waxaan garan karaa sida loogu abaal dhacay iyo ujeedadoodii hore waxa ay ahayd raga burburyey xisbigii ay la sameysteen, waxaa kaloo ka dheregsan tihiin garnaqsiga Boobe Yusuf Ducaale, oo aan ahayn hadaal uu bishmaha ka leeyahay ee ah taah ka imanaya meel fog, ogaada shacabka reer Somaliland waxaa idin saaran waajib ah in  aad xaqa u hiilisaan oo ugu yaraan aa dareenka Boobe Yusuf Ducaale ka hadashaan.

iskusoo xoori dulucda qoraalkan ayaa  ah idinkaa is yidhi 70% baa balantii fuliseen -ee waxaa idin ragaadiyey, maamul xumo, kala danbeyn la’aan, dulmi aad caadeysateen iyo muwaadiniinta Somaliland oo aad maalinba mid aad milgihiisa meel kaga dhacdaan.

 Boobe Yuusuf Ducaale iyo Cali Warancade waa laba odey waxa ay qarankan waqti iyo maskax soo geliyeen , maysoo gelin wiilasha ka shabaha xaga dhaqanka dhalinyaradii Mareexaan ee Villa Somalia geli jiray 80 tanaadkii  marka ay xafladaha yimaadaana xidhan jiray muraayado madow,riwaayadaha ugu badana waxa ay ka hadli jireen maxay qabatay Tawraadu. Waa dhab in aad dawladihii hore ka xirfad badan tihiin ee waxaa isweydiin leh waa mahay xirfadu ? xirfada  aad dawladihii hore kaga horeysaan waxa weeye, waxaa dheertihiin aqoonta  sida loola socdo ama loo maamusho ilaha dhaqaale ee wadanka, looguna adeegsado arimaha siyaasada ama loo siiyo kuwa idinka idiin adeega ama idin amaana,

Waxaa aaminteen in  shacabkii Somaliland yahay dad foorara oo aan xaqiiqda ogeyn waxaan laaxin laga jarayn in aad hantideen  qasnadii Dekeda , markii labaad wasiir isku qabsadeen kadib aad la wareegteen, waa run in aad haamaha shidaalka aad la wareegteen, waa run in aa Road Authority ( hayadii dhisida wadooyinka) madaxtooyada geysateen si loogu soo shubo dhaqaalaha uu balan qaaday turkigu, waa run in aad gacanta ku dhigteen heshiisyadii shidaalka ee Jacka iyo Ophor oo  18/10/2012 report ay jacka company sheegatay ceelka Oodweyne iyo 4 blocks ee Berbera, waxaa ilawdeen oo qudha hayada HIV-ga  iyada laftirkeeda lacag baa soo gasha yaanay idiin dhuuman, wiiga danbe Xisri ha liqsiiyo xaajiga in haayadaana la hoos keeno madaxtooyada.

Ugu danbeyn anigu si fiican baan idiin aqaan waxaan sugayaa marka shacabkeygu idin barto, waayo waxaa tihiin ragii yidhi South Sudan baan safaarad ka furaynaa agaasime ee noo fasax $64000, kadibna yidhi lacagtii hawl qaran oo kale ayaan ku qabanay, maalmo dhoweyd waxaa tidhaadeen weligeedba South Sudan warqad ogolaasho nama siin, waxaa tihiin ragii Xasan Mawliid oo aan weligii ka bixin Hargeysa ku qortay xisaabtan $83000 in uu Paris ku qaadan jiray , markii aan idinku qabtay anigii aad ila wada dagaalanteen idinka iyo xaajigiinuba.

anigu ma ogi meel aa 70% oo waxqabad ah aad ka sameyseen , waxaa soo kordhiseen  boob casriyeysan,waxaan idiin aqaan dawlad musuqmaasuq.

Illaahay haydiin denbi dhaafo xaaraantana haydinka qabto, umadana illaahay dawlad wanaagsan ha dhaxal siiyo. aynu sabirno rabbi baa inoo maqane. maqaalkan aan ugu magac daray taariikhda iloobi mayno , taariikhduna iloobi mayso waxa uu noqon mid joogto ah.

la soco——–