Caanaha Lo’da Oo La Ogaaday In Ay Ka Hortag Fiican Ka Noqon Karaan Cudurka AIDS Ka : Diyaariye Kamaal Axmed Cali

1
7132

 

lodaCanberra (Googooska Geeska)-Cilmi baadhe u dhashay dalka Australia ayaa sheegay in caanaha lo’da ay ku jiraan canaasir ay suurtogal tahay in looga faa’idaysto ka hortagga cudurka AIDS ka.  Sidaa ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AAP ee dalka Australia oo soo xiganaysay Dr. Marit Karamsky oo ka tirsan jaamacadda Melbourne in maaddooyinka difaaca ah eek u jira caanaha lo’du ay suurtogal tahay in loo beddelo kiriimo daawooyin ah oo lagaga hortagayo cudurka AIDS ka. Waxa aanu si gaar ah u tilmaamay in caanaha dambarka ah (Caanaha u horreeya ee neefka laga liso marka uu dhalo kadib) ee lo’du ay yihiin kuwa ugu awoodda fiican dhinaca difaaca jidhka. Dr. Marit iyo kooxda khubarada ah ee la shaqaynayey waxa ay sheegeen in caanahani ay unugyada jidhka ka ilaalinayaan in cudurkaas soo galo.

 

Waxa ay khubaradu sheegayaan in caanaha dambarka lo’da ah oo qaabkan looga faa’idaystaa ay noqon karaan daawo ka hortag fiican u ah cudurkan weli adduunku u maaro la’ yahay, iyada oo weliba noqon karta daawo ka jaban kuwa kale ee hadda lagula tacaalo.

Waxaa la sheegaa in dad ka badan 3.4 Milyan oo dunida maanta ku dhaqani ay qabaan cudurka AIDS ka, badankooduna ay ka soo jeedaan dalalka Faqiirka ah ee aanay dadkoodu awoodin in ay iska bixiyaan daawooyinka kala duwan ee cudurka AIDS ka.

Comments are closed.