Dr. Gabose Oo Dareen Ka Muujiyay Masuuliyiin Ururkiisa Ka Tirsan Oo Ay Xukuumadu Ka Duufsanayso

0
512

 

cirkaHargaysa( Geeska )-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umada Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay masuul ururkaas ka tirsanaa oo dhawaan ku biiray xisbiga Kulmiye iyo xukuumada, waxaanu ku tilmaamay dhaqan ka baxsan milgaha tartanka.

 

Dr.Gaboose waxa kale oo uu ka hadlay aqoonta uu Somalilnd u leeyahay madaxweynaha Somaliya ee dhawaan la doortay iyo arimo kale. Waxa uu arimahan Dr.Gaboose kaga hadlay waraysi uu siiyay tilifishanka HCTV, waxaanu ugu horayntii isaga oo  ka hadlaaya dareenka ay ka qaadeen muuliyiintooda loo gacan-haadinaayo uu yidhi  “Madaxweynaana waxan u sheegnaynaa in ururkayagu uu cabashooyin qabo, dad waayeel ah oo ka tirsan xukumada ayaa masuuliyintayada xidhiidh la sameeya ama Hargeysa Club hala-seexiyo ama shirkad hala geeyo ama Kumiye waad tahay hala yidhaahdo, arintaasu dhankayaga dareenbay ku abuurtay, dareenkay ku abuurtayna waa in ay ka baxsantahay milgaha tartanka.”

Dr.Gaboose isaga oo ka hadlaaya madaxweynaha cusub ee Somaliya loo doortay waxa uu yidhi “ Waxaan aaaminsanahay ciddii ay wax idinka dhaxeeyaan in la wada hadalo, wada hadalka ayaa wax lagu kala boqsiin karaa, laguna gaadhi karaa wax badan oo aan qori iyo xabad lagu gaadhi karin. Qaddiyada Somaliland madaxweynaha Somaliya aad buu uga dharagsan yahay sidaan wararka ku hayo, Hargeysana muddo dheer ayuu ku soo noqnoqonayay oo uu joogay, taas waxaan ka wadaa waxa uu si dhab ah u ogyahay dareenka shacabka, waxa kale oo uu ogyahay go’aanka la qaatay ee ah inay Somaliland ay noqoto qaran gaarkiisa isku taaga in aanu ahayn wax xukuumad ku xidhane uu yahay go’aan shacab.”

Ugu danbayntii gudoomiyaha urur siyaasadeedka Umada Maxamed Cabdi Gaboose, oo la su’aalay dhaliisha dadka qaar ay ku dhaliilaan madaxweyne Siilaanyo inuu dalka ku wado Somaliya waxa uu yidhi “ Kolay anagu ururkayagu xagga daacad-nimadaada kama qabo shaki, waayo dalkan waad u soo halgantay nina kaagama dhawa, waad u soo buburtay nina kaagama laxe-jexclo badana, haddaad madaxweyne u noqotay oo nina kaagama sharaf  badna, markaas sabab aan anagu u tuhuno inaan shacbigaagan aad xumaan la rabtid naguma jirto, waxaan ku leenahay ku dhiiro adiga oo aaminsan in  Somaliland ay go’aan shacbi tahay oo aan laga noqonayan.”