Wasiir Maxamed-Rashid Oo Isagoo Caafimaad Qaba Dalka Ku Soo Noqday

0
593

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay dalka dib ugu soo noqday Wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, oo dhawr bilood cisbitaal ku yaala magaalada London u jiifay, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka, oo markii uu shalay ka soo degay madaarka Berbera saxaafadda la hadlay, wuxuu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaan maanta [shalay] oo bishu tahay 13-kii Juun, 2012 halkan idin ogeysiinaya   in aan Dalkaygii Hooyo ku soo laabtay  anigoo in muddo ku maqnaa  Dalka Ingiriiska arrimo caafimaad awgood.Waxa aan marka hore u mahadcelinayaa Ilaahay oo caafimaad I siiyay, dibna iigu soo celiyay dalkii hooyo aniga oo caafimaad qaba.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Dr. Maxamed, yidhi “Marka labaad waxa aan halkan uga dirayaa salaam iyo mahad-naq Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Marwadiisa sidii ay iga warqabeen muddadii aan arrimo caafimaad aan dalka dibeda ugu maqnaa. Marka saddexaad, waxaan salaamaya una mahad celinaya dhammaan Ummadda Reer Soomaliland wadanka gudihiisa iyo dibediisaba aniga oo ugu mahadcelinaya ducadii iyo salaamihii faraha badnaa ee ay ii soo direen oo (Alxamdu Lilaahi) Illahay ii aqbalay.”

Ugu dambayn isagoo saxaafadda la hadlaya wuxuu yidhi “Ugu danbeyntii, waxaan u mahadnaqayaa Saxaafadda Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan sidii ay xaaladayda uga warqabeen.”