Maskaxdaadu Jimicsi Bay U Baahantahay Ee Subax Kasta Maskaxdaada Ku Firfircooni Geli Hal Xidhaale (8)

0
582

1Hargeysa (Geeska)- Qormadan maanta waxaa ku jira jawaabta hal xidhaalihii shalay iyo hal-xidhaale cusub. Jawaabta waxa aad ka eegaysaa cadadka dambe, sidoo kale haddii aad doonayso in aad akhristayaasha kale ee barnaamijkan la wadaagto jawaabtaada, waxa aad kula wadaagi kartaa barta aanu ku leenahay facebook ee sumaddeedu tahay: www.facebook.com/Googooska

Jawaabta masaladii hore:

12. Si ay jawaabta su’aashani kuugu fududaato waa in marka hore aad fahamsantahay sida ay lambarrada goobada ku wada jiraa isugu beegan yihiin, laba ka mid ahi sida ay isugu beegan yihiin ayaa aynu xariijintan ku muujinnay, kadiba lambara maqani lambarka uu ku beegan yahay ayaa aynu xariijin kale ku muujinnay, kuwa kalana halkaas uga qiyaas qaado sida ay isugu beegan yihiin. Haddaba marka aad isu geyso laba lambar oo kasta oo isku beegan waxaa kuu soo baxaya lambarka 21, sidaa awgeed lambarka maqani waxa uu noqonayaa lambarka marka 15 oo uu ku beegan yahay loo geeyo soo baxaya 21, waana lambar 6

13. Bannaanka ama daloolka dhexda ah ee shaxada labajibbaarane ee sawirkan ka muuqata waxaa buuxinteeda ku habboon sawirka (Jigsaw) ku calaamadsan xarafka C oo dhamaystiraya, labajibbaaranahana ka dhigaya mid isku wada eeg. Laakiin ka taxaddar qaabka uu sawirku u yaallo uma gelayo halka bannaan ee dhinac ayaa uu u jeesanayaa. Dhammaad.