Maskaxdaadu Jimicsi Bay U Baahantahay Ee Subax Kasta Maskaxdaada Ku Firfircooni Geli Hal Xidhaale (7)

0
672

1Hargeysa (Geeska)- Qormadan maanta waxaa ku jira jawaabta hal xidhaalihii shalay iyo hal-xidhaale cusub. Jawaabta waxa aad ka eegaysaa cadadka dambe, sidoo kale haddii aad doonayso in aad akhristayaasha kale ee barnaamijkan la wadaagto jawaabtaada, waxa aad kula wadaagi kartaa barta aanu ku leenahay facebook ee sumaddeedu tahay: www.facebook.com/Googooska

Jawaabta masaladii hore:

11. Sawirradii gacmaha ahaa ee cadadkii hore ka muuqday marka aad dib u eegto, sawirrada A, C, D waxaa kuu muuqda farihii, taas macnaheedu waa in ay yihiin gacanta bidix, waana aad arki kartaa haddii aad gacantaada ku tijaabis, mark aad qaabkaas faraha u laabto adiga oo baabacada dhinacaaga soo xigsiinaya. Haddii ay bidix gacantaasi ahaan lahayd faruhu xagga aad ka xigto uma ay soo jeedsadan kareen ee bannaanka ayaa ay u jeesan lahaayeen. Ha isku dayin in aad is tidhaahdo gacanta haddii aad dhanka kale u jeediso soo is beddeli mayso, waayo markaasna waxaa qaldamaya dhinaca hadda sawirku u jeedo. Haddaba sawirka keliya ee ka duwani waa sawirka ku calaamadsan xarafka B oo isagu noqonaya gacanta midig, sida aad ku garan kartaana waa in aad gacanta kor u taagto faraheeda adiga oo baabacada dhinacaaga u soo jeedinaya, sida kuwii hore, haddii ta bixid aad ka dhigto suulka ayaa dhinaca kale maraya.

Hal-xidhaalaha maanta:

12. U fiirso sawirka sare ee ah goobada lambarradu ku dhex qoran yihiin. Adiga oo ka shidaal qaadanaya wadarta isku-beeganayaasha kale waxa aad buuxisaa lambarka ka maqan ee kaalintiisii calaamatu su’aasha la dhigay.

13. Marka aad u fiirsato sawirka ah shaxda afarteeda dhinac is le’eg yihiin (Labajibbaarane) waxaa dhexdiisa ka muuqda meel bannaan, hoostana waxaa ku sawirran shaxo (Jigsaw) leh qaabka daloolka madhan ee ku dhex yaalla shaxda laba jibbaaranaha ah, haddaba eeg oo si dhaqso ah u soo dooro shaxannadaas A, B, C, D iyo E ka ku habboon ee buuxin kara halkaas bannaan.