Maskaxdaadu Jimicsi Bay U Baahantahay Ee Subax Kasta Maskaxdaada Ku Firfircooni Geli Hal Xidhaale (4)

0
657

1Hargeysa (Geeska)- Waxa aynu qormadii shalay ku soo aragnay laba hal-xidhaale, sida aynu soo xusnayna muhiimaddu waa in jawaabtaadu ay noqoto mid isla marka aad in yar eegtaba ay maskaxdu soo tuurto, looma baahna in aad waqti badan ku qaadato ama qalin iyo warqad ku dul fikirto.

Qormadan maanta waxaa ku jira jawaabaha labadii hal xidhaale ee shalay iyo laba hal-xidhaale oo cusub. Jawaabta waxa aad ka eegaysaa cadadka dambe, sidoo kale akhristayaasha kale ee barnaamijkan waxa aad kula wadaagi kartaa barta aanu ku leenahay facebook ee sumaddeedu tahay: www.facebook.com/Googooska

Jawaabta labadii masalo ee hore:

5. Sida kuu muuqata kubbadahani waxa ay ka kooban yihiin 4 saf oo ah safka koowaad oo midh ah, ka labaad oo laba ah, ka saddexaad oo saddex ah iyo safka u hooseeya oo afar ah. Sidaas ayaanay saddex xagal kor u jeedda ku yihiin. Haddii safka afarta ah ee u hooseeya labada xabbo ee labada hareerood yaalla aynu kor u qaadno oo aynu ku darno safka mid uun ka sarreeyo ee labada ahaa waxa uu safkaasi noqonayaa afar, tallaabada labaadna, kubadda dusha sare ee safka koowaad taalla ayaa aynu dhigaynaa hoosta ka sii hoosaysa safka imika u hooseeya ee afarta ahaa imikana labada noqday, sidaas waxa ay shaxdii ku noqonaysaa Saddex xagal hoos u jeedda oo marka safka ugu hooseeya tirade kubbada laga bilaabo noqonaysa 1, 2, 3, iyo 4.. Sawirka ka bogo.

6. Halka sac = 10 digaag ah ayaa uu u dhigmaa. Halka wan=2 digaag ah ayaa uu u dhigmaa, halka diigna 4 ayuu u dhigmaa, sidaa awgeed halka sac + hal diig = 14, oo u sii dhiganta 7 wan. Markaa; 1 Sac + 1 Diig = 7 wan

Hargeysa (Geeska)- Waxa aynu qormadii shalay ku soo aragnay laba hal-xidhaale, sida aynu soo xusnayna muhiimaddu waa in jawaabtaadu ay noqoto mid isla marka aad in yar eegtaba ay maskaxdu soo tuurto, looma baahna in aad waqti badan ku qaadato ama qalin iyo warqad ku dul fikirto.

Qormadan maanta waxaa ku jira jawaabaha labadii hal xidhaale ee shalay iyo laba hal-xidhaale oo cusub. Jawaabta waxa aad ka eegaysaa cadadka dambe, sidoo kale akhristayaasha kale ee barnaamijkan waxa aad kula wadaagi kartaa barta aanu ku leenahay facebook ee sumaddeedu tahay: www.facebook.com/Googooska

Jawaabta labadii masalo ee hore:

5. Sida kuu muuqata kubbadahani waxa ay ka kooban yihiin 4 saf oo ah safka koowaad oo midh ah, ka labaad oo laba ah, ka saddexaad oo saddex ah iyo safka u hooseeya oo afar ah. Sidaas ayaanay saddex xagal kor u jeedda ku yihiin. Haddii safka afarta ah ee u hooseeya labada xabbo ee labada hareerood yaalla aynu kor u qaadno oo aynu ku darno safka mid uun ka sarreeyo ee labada ahaa waxa uu safkaasi noqonayaa afar, tallaabada labaadna, kubadda dusha sare ee safka koowaad taalla ayaa aynu dhigaynaa hoosta ka sii hoosaysa safka imika u hooseeya ee afarta ahaa imikana labada noqday, sidaas waxa ay shaxdii ku noqonaysaa Saddex xagal hoos u jeedda oo marka safka ugu hooseeya tirade kubbada laga bilaabo noqonaysa 1, 2, 3, iyo 4.. Sawirka ka bogo.

6. Halka sac = 10 digaag ah ayaa uu u dhigmaa. Halka wan=2 digaag ah ayaa uu u dhigmaa, halka diigna 4 ayuu u dhigmaa, sidaa awgeed halka sac + hal diig = 14, oo u sii dhiganta 7 wan. Markaa; 1 Sac + 1 Diig = 7 wan

Hal-xidhaalaha maanta:

8. Sacdan u taalla qaabka laba jibbaarane, sida kuu muuqata waxa ay ka samaysan tahay tiro dhammaanteed lambarka 9 ah, haddaba si dhaqso ah waxa aad u aragtaa lambarka ka duwan ee isagu 8 ah ee ku dhex jira, adiga oo tilmaamaya safka uu ku jiro iyo safka halka uu kaga sii jiro.