“Masiibada Tahriibku (Waa Aafo Qaran Oo U Baahan Hawlgal Iyo Gurmad Qaran”

0
768

Hargeysa(Geeska)-Dalladda SONYO ayaa war-murtiyeed ka soo saartay wada tashiga tahriibka ee shirweynaha qaran.

sonyo logo

War-murtiyeedka SONYO, waxa ay daladu kaga hadashay aafada tahriibka oo ah masiibo qaran, waxaanu qoraalka SONYO  oo uu ku saxeexnaa guddoomiyahooda Siyaad Cumar Cali u dhignaa sidan  “Sidaynu la wada socono, Somaliland oo ah qaran 25jirsaday, wuxuu waddo dheer u soo maray geedisocodka nabada iyo dimuquraadiyada iyadoo uu kasoo gudbay duruufo qalafsanaa oo  dhaqan dhaqaale iyo Nabadgalyo. Yagleelka haykalka dawladnimo iyo Nabadgalyo ayaa suurtogaliyay in ay abuurmaan jaamacado iyo iskuulo ay ka soo baxaan dhallinyaor tiro badan kuwaasoo baahi weyn u qaba qorshayaal shaqo abuur oo ay ka faa’iideystaan.

Waxaa iyana xaqiiq ah in Qarankan curdinka ah ee aan wali la aqoonsani uu la daalaa dhacayo xal-u-helida duruufo badan oo kakan sida; shaqo la’aan baahsan; tahriibka lagu xoog iyo xoolaba beelay; saboolnimo, iwm.

 Haddaba, maalmahan dambe waxaa luraya laabaha dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland dhacdadii xanuunka badnayd ee ugu dambeysey tii ay ku leedeen boqolaalka dhallinyaradda ah ee naftooda ku waayay doontii ku qarqoontay badweynta u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga. Dallada SONYO iyadoo ka mid ah hay’adaha bulshadda rayidka ah ee dalkeena, isla markaana ah gabood kulmiya ururada dhallinyaradda Somaliland, ahna dallad madaxbanaan oon dawli ahayn (helin dakhli dawladeed ama mid kale oo buurran), ayaa ay Tacsi tiiraanyo leh u dirtay guud ahaan shacbiga Somaliland, gaar ahaana qoysaskii iyo qaraabadii ay dhallinyaradaasi ka baxeen. Sidoo kalena, waxay Dallada SONYO ku baaqday in la isugu yimaado tallo qaran oo deg-deg ah si loo darso aafadda baahday ee tahriibka, loona hirgaliyo waxqabad dhab ah oo arrintaas lagu wajaho waxna lagaga qabto.

Aafadan qaran ee tahriibku waa mid sal balaadhan oon cid qudhi waxba ka qaban Karin. Dallada SONYO in badan bay cod dheer iyo waliba barnaamijyo cadcad ugu soo jeedisay dhammaan cidaha ay arrinta tahriibku khuseyso.

 Dabayaaqadii sanadkii 2015 kii hogaanka sarre ee Dallada SONYO waxay soo mareen dhamaan gobolada Somaliland iyadoo Dalladu socdaalkaas kormeerka ahaa ka diyaarisay Warbixin iyo Barnaamij-horumarineed oo guud ahaantiis ku wajahnaa la tacaalida caqabadaha dhallinyaradda haysta iyo horumarinta da’yarteena. Barnaamijkaas oo ahaa mid wax badan lagaga qaban lahaa dhibaatooyinka dhallinyaradda haysta ee uu Tahriibku u horeeyo. Dallada SONYO waxay Warbixintaas iyo Barnaamijyadii ku lifaaqnaaba gaadhsiisay cid kasta oo ay arrimahani khuseeyeen.

 

Sidaas daraadeed, waxay Dallada SONYO u aragtaa marrin-haabin iyo shirqool aan geedna loogu soo gaban hadalada ma-dhalayska ah ee shakhsiyaadka danaha gaarka ahi saxaafadda qaarkeed ku baahinayeen maalmahan dambe, iyagoo uga dan lahaa inay dedaan dareenka dhallinyaradda, isla markaana ay jaho-wareeriyaan ogaalka dadweynaha.

Dallada SONYO waxay si aan gabasho lahayn ugu sheegaysaa dhammaan mas’uuliyiinta qaran ee ay ka mid ka yihiin Saddexda Gole Qaran, Guddida Caddaalada, Axsaabta Qaran, Maalqabeenada ka ganacsada dadweynaha JSL, Urrurada Bulshada Rayidka ah iyo Jaamacadaha iyo Aqoonyahanka dalka inay isugu yimaadaan Shir Deg-deg ah oo lagaga tashado aafada tahriibka gaar ahaan iyo guud ahaan badbaadinta iyo horumarinta dhallinyaradda. Waxa aannu ku baaqaynaa in Shirkaas deg-dega ah lagu gaadho laguna guddoonsado xal dhammaystiran iyo tallo la axadhay, sidoo kalena si wadajir ah loogu guntado hirgalinta tallaabooyinka la isla garto.

Waxa aannu dhammaan daneeyeyaasha arrimaha dhallinyaradda u sheegeynaa inaan laga gaban doonin cid kasta oo gabta mas’uuliyaddii saarnayd, isla markaana ka dhego-adaygta wax-ka-qabashada duruufaha yaala iyo ka qayb-qaadashada dedaalada la dhawrayo inay xal keenaan.

Dallada SONYO waxay sidoo kale ugu baaqaysaa dhammaan dhallinyaradda JSL inay u samraan, diyaarna u ahaadaan halganka lagaga baxayo dhibaatooyinka tahriibka, shaqo la’aanta iyo saboolnimada isla markaana ay ka feejignaadaan iskana ilaaliyaan in dhibka iyo waayaha ay la nool yihiin loogu daro marrin-habaabin, halaasi iyo maaweelo aan meel gaadhsiisneyn.

Waxaynu isku ognahay tallo balaadhan, waxqabad dhab ah iyo wadajir buuxa.”