Berbera: Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Hay’ada Mercy Corps Ku Kordhisay Dugsiga Bursade

0
611

Berbera(Geeska):-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylaci) ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub oo laba dabaq ah isla mar ahaantaana ay hay’adda Mercy Corps, ka hirgelisay dugsiga sare ee Bursade ee ku yaala magaalada Berbera.

S1040028

Dhismaha dugsigan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah isla mar ahaantaana laga hirgeliyo guud ahaan goobaha waxbarashada ee iskuulada dawladda, ayaa waxa munaasibaddii xadhiga ka jaridda ka soo qeyb-galay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayye madaxweyne ku xigeenka Somaliland, madaxda gobalka Saaxil, mas’uuliyiinta hay’adda Mercy Corps iyo weliba sida oo kale ardayda iyo macalimiinta dugsigaasi.

Mr. Colaad Ibraahim Faarax, oo u hadlay hay’adda Mercy Corps, oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in ay ka hay’ad ahaan ay hirgeliyaan dhismahan, waxaana uu tibaaxay in sida oo kale ku dedaali doonaan siddii ay gacan weyn uga geysan lahaayeen taageeridda goobaha waxbarashada iskuuladda dawliga ah, isaga oo tilmaamay in uu aad ugu mahadcelinaayo maamulka heer gobal iyo weliba sida oo kale wasaaradda waxbarashada Somaliland oo uu sheegay in ay ka hay’ad ahaan ula shaqeeyeeyn si hagar la’aan ah. "Dawladda Somaliland aad ayaan ugu mahadcelinaynaa, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada iyo Maayarka, ka hay'ad ahaan 22 Iskuul ayaanu  dhammeynay, 300 oo macalin ayaanu tabbabaro siinay, waxaana aan fursaddan uga faa'ideysanayaa in aan furaha iskuulkan ku wareejiyo maamulka wasaaradda Waxbarashada.". Ayuu yidhi Colaad Ibraahim Faarax.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Md.Cabdillaahi Ibraahim Habbane, oo isna hadal kooban halkaas ka jeediyey ayaa hay’adda Mercy Corps uga mahadceliyey dhismaha Iskuulkan, waxaana uu tilmaamay in guud ahaan goobaha waxbarashada Somaliland aanuu ka jirin dhisme noocan oo kale ah.

"Dugsiga Bursade oo ah dugsigii ugu horreeyey ee noociisa ah oo aan kan oo kale ka jirin Somaliland, waxa aanu si gaara ugu mahad-naqaynaa hay'adda Mercy Corps, lacagta ay ku bixisay siddii loo dhisi lahaa dhismahan.".Ayuu yidhi Cabdillaahi Ibraahim Habbane.

Mas’uuliyiinta heer gobalka iyo weliba sida oo kale xubno ka mid ah madaxda la socotay weftiga uu hoggaaminaayey Madaxweyne ku xigeenku, ayaa iyaguna dhankooda si hufan u soo dhaweeyey dhismahan cusub ee ay dugsiga sare e Bursade u dhistay hay’adda Mercy Corps.

Maayarka Berbera Cabdishakuur Cidin Ayaa Wax lagu Farxo Ku tilmaamay in Dugsigii Bursade Markale laga yagleelo goobtii uu ahaan jiray.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylaci), oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa hay’adda Mercy Corps ku ammaanay dedaalka ay ugu jirto siddii taageero uga geysan lahayd goobaha waxbarashada ee dawladda, waxaana uu tibaaxay in uu ku faraxsan yahay in uu arko dhisme noocan ah oo intii dib-u-dhiska dalku socday laga hirgeliyo magaalada Berbera.

"Dhismaha dugsigan la dhammeystiray ee Bursade Secondry School oo runtii muhiimaddiisa leh, hay'adda USAID iyo hay'adda Mercy Corps oo ah hay'addii dhismahan fulisay oo runtiina dedaal badan sameysay, dugsiyo fara badan oo sarena ka dhistay dalka, waxa se maanta muhiimad gaara sii leh dugsigii ugu qiimaha badnaa sida oo kaena ugu muhiimsanaa dugsada sare ee dalka laga dhiso in aynu joogno xadhig ka jarkiisa, runtiina in dalka dib-u-dhiskiisu billaabmay waa dugsigii waa dugsigii ugu qiimaha badnaa ee la dhiso oo fooq ah".Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylaci.

Ugudnabeyntii Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland waxa uu ShahaadoSharaf Gudoonsiiyey hay'ada Mercy Corps isago Sidoo kalena Booqda Fasalada Dugsiga A Kooban yahay oo Ardaydu Ku jiraan, waxaana halkaasi lau yagleelay dhireyn cusub oo dugsigaasi yeelan doono.