Hay’ada ARC Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiisay Deegaanada Gobalka Hawd Ee Abaartu Saamaysay

0
733

Hargeysa(Geeska)-Hay’adda American Refugee committee, ayaa deeq raashin ah u qaybisay qoysas ay tiradoodu tahay 400 oo qoys oo ku nool deegaanada gobalka Hawd, kuwaas oo ay xoolahoodii kaga le’deen abaartii adkayd ee dalka ka dhacday.

ffff

Deeqdan raashinka ah oo isugu jirtay bariis, timir, sonkor iyo daqiiq, waxa toddobaadkan la gaadhsiiyay deegaanada gobalka Hawd ee kala ah Widhwidh, Ina Cunaaye, Gumburaha, Jibaaqe, hunguri gorayo, magaalo xaali iyo kuwo kale, waxaana deeqdan loo qaybiyay afar boqol oo qoys. Odayaasha deegaanada iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Baligubadle, oo ka hadlay munaasibadii raashinkan lagu qaybiyay ayaa u mahadceliyay hay’ada ARC, “Hay’adda ARC waxay qabisay raashin aad iyo aad loogu baahnaa, waanan u mahadcelinaynaa.” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka Baligubadle.

Laba ka mid ah hooyooyinka ay xooluhu ka le’edeen ee la siiyay deeqdan oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyay hay’adda ARC, iyagoo sheegay in deeqdan raashinka ahi dabooli doonto baahi badan oo ay qaybeen. “Waanu u mahadcelinayaa hay’adda iyo cidda ay deeqda u soo dhiibtayba.”

Cumar Maxamed Cumar, oo ka socday xafiiska Hargeysa ee ARC oo isna halkaas ereyo kooban ka jeediyay, ayaa sheegay in deeqdan la gaadhsiiyay qoysas tiradoodu gaadhayso 400 oo qoys, waxaanu u mahadceliyay odayaasha iyo xildhibaanada Baligubadle ee gacanta ka gaystay sidii deeqdaas loogu qaybin lahaa dadka loogu tallo galay ee baahan. Wuxuu Cumar sheegay in deeqdaasi ka koobnayd Bariis, sonkor, daqiiq iyo timir ka timid hay’adda ARC ee Maraykanka ah.