Masar Oo Sheegtay In Soomaaliya Ay Dhul Ka Kiraysatay Iyo Xidhiidh Ganacsi Oo Ay La Bilaabayso

0
553

Qaahira (Geeska)- Haweenayda wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha dalka Masar u qaabilsan ganacsiga Soomaaliya, Marwo Maasiyah Rufaac ayaa shalay shaaca ka qaadday in wasaaraddeedu ay toddobaadkii hore wafti ballaadhan u dirtay Soomaaliya, si ay uga soo shaqeeyaan sidii maalgashi dheeraad ah labada dal u samayn lahaayeen.

MASAR

U-qaybsanaha ganacsiga Masar iyo Soomaaliya oo sheegtay in waftiga ay wasaaraddeedu u dirtay Soomaaliya gaadheen guulo aanay marka hore siiba filayn in ay illaa xadkaa le’ekaadaan ayaa hadalladan jeedisay duhurnimadii Salaasadii shalay 18 Abriil 2016ka mar ay khudbad ka jeedinaysay kulanka Midowga Warshadaha Masar, oo lagaga wada hadlayey sidii Masar iyo Soomaaliya u yeelan lahaayeen iskaashi iyo maalgashi.

Rufaaci waxa ay khudbaddan ku sheegtay in dabayaaqadii sannadkii hore ay safar ku tagtay Soomaaliya oo iyaa oo farriimana ka sidda masuuliyiinta dalka Masar, halkaas oo ay sheegtay in ay soo dhoweyn xooggan kala kulantay dhiggeeda Soomaalida ah, kalana soo noqotay farriimo wanaagsan oo la xidhiidha warshadaha, ganacsiga iyo beeraha.

Dhinaca kale Rufaaci waxa ay sheegtay in maalinnimadii Salaasada ee shalay ay dalalka Masar iyo Soomaaliya kala saxeexdeen heshiis is-dhaafsi ganaci ah, mar ay kulan dhaqaalaha la xidhiidha ay yeesheen Injineer Daariq Qaabiil, oo ah wasiirka warshadaha iyo Ganacsiga dalka Masar, iyo dhiggiisa Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Rufaaci waxa ay sheegtay in labada dal ay isku waafaqeen dhismaha guddi ganacsi oo ay labada wasiir ka madax yihiin, si loo eego baahiyaha gudaha ee Soomaaliya, iyo in la isla meel dhigo waqtiga la qabanaayo kulan lala yeesho dhinacyada ay khusayso ee Soomaaliya ganacsiga ku leh, si loo ogaado caqabadaha iyo dhibaatooyinka ugu badan ee jira dhinaca ganacsiga.

Dhinacyada kale ee ay Rufaaci sheegtay in ay Soomaaliya iska kaashan doonaan ayaa ah dekedaha iyo fududaynta isu socodka gaadiidka badda, sidoo kale waxa ay Soomaaliya ugu baaqday in ay Qaahira ka furato farac ka mid ah bangiga dhexe ee Soomaaliya. Waxa ay sheegtay in hadda ay dawladdeedu Muqdisho ka waddo dhismaha safaaradda ay ku yeelanayso Soomaaliya, iyada oo uu hadda u joogo qunsul.

Rufaaci waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya ka iibsatay dhul ay doonayso in ay ka dhisto macrad weyn oo ay ku soo bandhigto kuna iibiso wax-soos-aarka dalkeeda.

Ugu dambayntii Rufaaci hadalkan ay jeedisay waxa ay ku sheegtay in dawladda Masar ay Soomaaliya u dirtay koox macallimiin xukuumadda ka socota ah oo wax ka dhigi doona waxbarashada aasaasiga ah iyo ta sare labadaba, sidoo kalana ay joogaan koox ka dhakhaatiir ah oo ka socota wasaaradda caafimaadka ee dalka Masar.