Marashax Maxamed Xasan Finad Oo Ka Digay In Banka Qool-caday Is Khaldan Loo Maamulo

0
607

Hargaysa(Geeska)-Murashaxa Aqalka Golaha Wakiiladda Somaliland ee Doorashadda soo socota Dr.Maxamed Xasan Finad, ayaa ka digay qorshe ay Xukuumaddu rabto in maalinta Arbacadda ah Awood-ciiddan ku tagto Banka Qool-caddey, kaas oo la sheegay inay qorshaynyaan inay Xidhaan, isla-markaasna ay soo tusaan WafdI Caddaan ah oo ka socda Dawladdaha Somaliland ka taageera Mashruuca SDF-ka.

MURASHAX

Dr.Finad, ayaa sheegay inay taasi sababi karto khasaare nafadeed oo talabaddaas ka dhasha, maadama aanay dadka deegaanku haysan wacyi-galin ku filan oo lagu fullin karo mashruucan ay Xukuumaddu dabada ka riixayso.

Musharax Maxamed Xasan Finad oo Shalay qeybaha Warbaahinta kula hadlayay Hotelka Hadhwanaag ee  Magaaladda Hargaysa, ayaa usoo jeediyay saraakiisha Sanduuqa Harumarinta ee Somaliland, kaas oo magaciisa loo soo gaabiyo SDF,in mashruuc qorshihiisu yahay in laga faa’iidaysto aannu noqon mid khasaare balaadhan horseeda.

Ugu Horayn Dr.Finad,waxa uu hadalkiisa ku bilaabay waxay kusoo arkeen Safar ay ku taggeen Banka Qool-caddey dhawaan iyo farriintii ay kasoo gunteen dadka Deegaankaasi,waxaana ka mid ahaa hadaladdiisii; “ Sababta aan Maanta(Shalay) Shirka jaraa’id u qabtay waxa weeye, sabtiddii dhawayto oo aan kormeer kusoo maray deegaamo hoos-yimaadda Degmadda Sallaxley oo uu ugu horeeyo Banka Wey nee Qool-cadey iyo  umaddii ku dhaqnayd war-bixinihii aan kasoo qaaday in aan warbaahinta iyo Umaddaba usoo gudbiyo.Goobtaasi waxa hadda ILAAHAY u shubay roobkii iyo raxmadiisii,waana deegaan hadda ay dadkii soo degayaan,waxaanuna dadka aannu soo marnay ku dhiiri-galinaynay arrimaha diwaan-galinta iyo Nabad-galyadaba, dadkasina waxay  noo muujiyeen siday Nabadda iyo wada-noolaanshaba ay aad iyo aad u danaynayaan, aad iyo aadna ay ugu farax-sanyihiin raxmadda uu siiyay alle, isla-markaasna ay u diyaar-garoobaan hawlha uu qaranku maanta u wada-diyaarka yahay.”

Musharax Maxamed Xasan Finad, ayaa tilmaamay walaaca dadka deegaanka ee qorsha ay Xukuumaddu ku rabto inay ku xidho banka “Waxaannu dareenay inay dadkaasi wer-wer badan ka qabaan Mashaariicda maalin kasta soo noq-nonaysa, iyadda oo aan cid kala tashatay iyo cid wax-ka-weydiisay toonna aanay jirin ee ay ka ogaanayaan uun warbaahinta ama iyadda oo dad si gaar ah wax-u-wata ay u imanayaan oo ay leeyihiin Mashaariic baannu ka samaynaynaa, dadkaasina waxay dareemayaan baahi badan oo ay Xukuumadda ka sugayaan inay wax-u-qabato”

Musharaxa, ayaa farta ku fiiqay caqabadda ugu weyn ee hor-taaggan in Mashruucaas ugu yaraan is-faham muuqda laga gaadho, waxaannu yidhi  “Balse Mushkiladda ay markasta annaga nagu soo cel-celinayeen ee aannu dareemaynay ee ay noo sheegayeen  waxay ahayd Iyadda oo aan wax-laga weydiiyay aannay jirin,iyagga oo aan lala-tashan,iyagga oo aan la-dhex-imanin ay maalin kasta warkaas meelahaas ka helayaan,waxaana taas cadaynaysa,iyadda oo aad markasta arkayso in dadkii arrintan gacanta ku hayay ay Hoteladda Magaaladda Siminaaro loogu qabanayo dad aan deegaankaba ahayn,dad aan miyiba kasoo jeedin,dad aan xoolo-dhaqatoba aan ahayn,dadkii meesha ku dhaqnaana aan ahayn,in maalin kasta dad inta lasoo ururiyo la-yidhaahdo waxa laydin barayaa Faa’iidada mashruucu leeyahay iyo sidii looga faa’iidaysan lahaa Banka,Dadka loo qabanayaana maaha dadkii Banku khusaynayay,taasina waxay keenaysaa ‘ Nin Hulaab Xummi,Inuu wax-qarsanayo ayaa la moodaa’,haddii dadkii hawshan waday ee qaban-qaabinayay iyo dadkii khusaysay ay is-arki waayaan,taasi waxay keenaysaa Faham-xumo,taasina ay inoo keeni karto amni-darro”.

Dr.Finad, ayaa farriin u diray Madaxda Mashruuca SDF-ta,isaga oo farta ku fiiqay wadaday tahay in loo maro Hirgalinta Mashruucan haddii uu deegaanka Faa’iido muuqata u leeyahay “Waxaan usoo jeedin lahaa dadka ay arrintani khusayso ee mashruucan gacanta ku haya,in Arrinta lagala hadlo dadka ay Khusayso deegaanka Banka Qool-caddey,waxaanay u baahan tahay in Dadka deegaanka  loo dago,loo sharaxo,la-dhex-fadhiisto,taas xaqiiqdii wax-weyn kusoo kordhinaysa Mashruucii iyo Hawshii,Laakiin haddii Mashruucii halkii la rabay inuu Faa’iido keeno uu dhibaato dhalinayo,waxay taasi keenaysaa inay noqoto hawl aan laga midho-dhalin.Waxaa u sheegayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF-ka,in waxa mashaariicda loo qaadanayaa ay tahay inay wax-inoo soo kordhiso.

Musharax Maxamed Xasan Finad oo hadalkiisa sii wata,ayaa hoosta-ka-xariiqay qorshe laga cabsi qabo inuu khasaare baaxad leh horseedo,taas oo ay Xukuumaddu Maalinta arbacadda qorshaynayso inay Banka Qool-caddey ka fuliso “Waxaan maqlayay in 20 April,la rabo in Banka  Qool-caddey la keenno Riig weyn,la-keenno Ciidammo badan,taas ay dadka Deegaanku si weyn uga cabsi-qabaan inay keento iska-hor-imaad khasaare dhaliya,arrintaas waxaan ku baaqayaa in si weyn looga feejignaado”.

Ugu denbayntii waxa uu Musharax Maxamed Xasan Finad uu shacabka Somaliland,gaar ahaana Eheladdii ay ka baxeen ka tacsi-yadeeyay Dhalintii tiradda badnayn ee ku geeriyootayBiyaha u dhexeeya Dalalka Masar Iyo Girigga,waxaana uu ILAAHAY uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo guud ahaanba Shacabka Somaliland,gaar ahaana Eheladdii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen.