Qaramada Midoobey Oo Ka Digtay Nafaqo Darrada Carruurta Somaliland Ee Deegaannadii Abaaruhu Ka Dhaceen

0
526

Nairobi (Geeska)- Warbixin uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda Reuters ayaa ay haayadda badbaadada Carruurta ee Save the children ay ku sheegtay in xaaladda nafaqo darro ee carruurta Somaliland ay si aad ah kor ugu sii kacayso, gaar ahaan deegaannada ay abaaruhu dhowaan ku dhufteen.

ddddd

Haayaddu waxa ay sheegtay in abaarahaas oo burburiyey ama dib dhigay dalaggii laga filan lahaa beeraha iyo xoolihii ay sababtay in dhibaatadu ay gaadho heer shaqaalaha gargaarka ee deegaannadan ka hawlgalaa ay ka baqayaan in gaajadu intan ka sii badan doonto.

Mukhtaar Maxamed Xasan oo ah wakiilka haayadda Save the children ee deegaanka ayaa Thomson Reuters Foundation u sheegay in abaarta deegaannada qaar ku saddex jirsatay ay sababtay cunto yaraan soo waajahda qoysas badan.

“Dadku waxa ay sheegayaan in ay tahay abaartii ugu xumayd ee soo marta tobannaan sano” ayaa uu sarkaalkani yidhi mar uu khadka Internet ka ee Skype ka ugu warramay Thomson Reuters.

Warbixintu waxa ay sheegtay in Qaramada Midoobey ay shaaca ka qaadday in ay jiraan dad nafaqo darro ugu dhintay gobolka Awdal. “Carruurta noloshoodu khatarta ku jirto ee nafaqo darrada muddada dheer haysay u soo gelaya cisbitaalka Borama ayaa ay tiradoodu laba-laab korodhay laba bilood gudahood, bishii March waxa ay gaadhay 33 halka bishii January ay tiradu ahayd 18 cisbitaalka Borama” ayaa uu yidhi Xasan.

Haayadda Save The Children ayaa hooyo dhibaatadani soo gaadhay ka soo xigatay, “Imika waxa aanu ka cabsi qabnaa macaluul” hooyadan oo cisbitaalka ku jirta ayaa intaas ku sii dartay, “Ma haysanno lacag aanu cunto ku iibsanno”

Sarkaalka Save the Children ayaa isna intaas ku daray in qiimaha caanaha la kala siisan jiray sannadkii 2015kii uu laba-laab kordhay oo hadda kor u dhaafay 1 Doolar halkii koob.

In kasta oo ay abaarihii ka jabeen guud ahaan dhulka Somaliland, roobab aad loogu diirsadayna ka da’een dhulkii abaaraha ba’an dad iyo duunyaba loogu le’day haddana waxaa weli jira cunto yaraa badan, hayntii dadka deegaannadaas oo aad u hoosaysa iyo xoolihii ay dhaqanayeen oo badankoodu ka baxay, haddii aanay qoysas badan kaba wada bixin. Sidoo kale waxaa jira nafaqo darro badan oo haysta carruurta abaarahaasi ku habsadeen iyo cabsi laga qabo in abaarta oo dheerayd awgeed ay biyaha roobabku dillaaciyaan xanuunno kala duwan, arrimahan oo isku darkooda aan ka culays yarayn dhibta abaartu intii ay jirtay dadka haysay.