Masar: Ikhwaanka Iyo Milatariga Oo Beri Isu Dhaarsan

0
684

Qaahira(W.Wararka)-Taliyaha militeriga Masar ayaa ku baaqay dibedbaxyo awood u siinayo inuu ka hortago waxa uu ugu yeedhay "argegixisada"

CabdilFataax al-Sisi, oo sidoo kale ah ra'iisalwasaare kuxigeenka Masar iyo wasiirka difaaca ayaa ugu baaqey dadka reer Masar inay isku soo baxaan maalinta Jimcaha, si ay u taageeraan ciidamada qalabka sida ee Masar.  Waxa uu sheegay in taasi ay fasax u siin doonto militeriga iyo boliiska inay ka hortagaan qalalaasaha iyo argegixisada.

Laakiin Mas'uul sare oo ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ku gacanseydhay baaqa al-Sisi.Waxaa uu sheegay in hadalka al-Sisi uu yahay digniin, laakin aanu  ka celin doonin in muddaaharaadyada ay sii wadaan.

Militeriga waa mideysan yahay

Taagerayaasha madaxweynihii xilka laga qaaday ee Masar ayaa toddobaadkii afraad wado dibedbaxyo ay ku dalbanayaan in Maxamad Mursi xilka lagu soo celiyo.

Cabdifataax al-Sisi ayaa ka khudbaynayay xaflad qalinjebin ah oo loo qabtay askar uu u dhamaaday tababar militeri.

Al-Sisi waxaa uu beeniyay wararka sheegaya in militeriga Masar ay kala qeybsan yihiin.

Mar uu ka hadlayay waxa ku kallifay inuu xilka ka qaado madaxweynihii hore ayaa waxa uu sheegay in Mursi uu diiday inuu madaxweyne u noqdo dadka reer Masar oo dhan.

Marka la eego labada war ee iska soo horjeeda ee taliska ciidamada Masar iyo ikhwaanka, Masar Jimcaha beri waxa laga filan karaa isku dhacyo dhex mara labada kacdoon ee iska soo horjeeda, haddii aan xal la gaadhin inta ka horaysa Jimcaha beri. Ikhwaanku waxay diyaar u yihiin inay sameeyaan dibad baxyadii ugu weynaa, halka uu taliska Masarna taageerayaashooda ugu baaqay inay muujiyaan cududooda.