Goorma Ayaa La Filayaa In La Qaybiyo Wejiga Labaad Ee Darajada Ciidamada?

1
907

Hargeysa(Geeska)-Wejiga labaad ee darajada ciidamada kala duwan ee Somaliland, ayaa la filayaa in la bixiyo inta ka horaysa ciidda, oo ay inaga xigaan wax laba toddobaad ka yari.

Darajada oo markii hore la filayay in qaybteeda labaad la bixiyo xuskii 18 May, ayaa dib u dhacday, waxaana warar wakhtigaas soo baxay sheegayaan in lagu beegayo 27 July oo ah maalintii Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo xilka loo dhaariyay taas oo ku began Sabtida. Hase yeeshe warar kale ayaa sheegaya inay dib uga dhacayso maalintan 27 July, balse la bixin doono inta ciidda ka horaysa.

Darajada oo wejigii hore la siiyay taliyayaasha ciidamada kala duwan, ayay ciidamada qalabka sidaa si weyn u sugayeen in qaybtooda la siiyo.

Shacabka Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyay darajada loo sameeyay ciidamada Somaliland, waxase weli la sugayaa wakhtiga ciidamada oo dhan lagu tixi doono darajada uu askari waliba u qalmo.

Comments are closed.