Hoombaro Libaax Bay Soo Waddaa

18
1087

(Istanbuul maxay ii soo waddaa)

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com – www.dharaaro.com Q5aad

Aniga oo dembigana iska dhowraya, idinkana idiin nasteexaynaya, bal hadda aan cabbaar ku yara hakanno Qodobbadan la sheegay in Somaliland madasha Istanbuul la tagtay oo aanan caawa garanayn meel laga keenay iyo cid is-la oggolaatay oo arrin iyo is-la-eegba ka yeelatay.

Qodobka la-soo-noqoshadamadax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland cidna marti loogama aha. Soomaaliya ayaan marti looga ahayn, dawlad kalaan marti looga ahayn. Ummaddii lahayd ayaa ka tashatay oo go’aansatay. Sow tii la yidhi: “Rabitaanka shacbigu waa rabitaanka Eebbe.” Laaxin laga jari maayo, qaran-sheegato qaamowday iyo qudhaanjaba ha ku quustaan.

Qodobka labaadee nidaamkii Siyaad Barre iyo dhibaatooyinkii uu geystay: eedeysanayaal la maxkamadeeyo iyo magdhow. Beer-laxawsi iyo qiiq-isku-qarin ayuu u muuqdaa. Bal ka warrama xukuumaddeenna marna mowduucyadan la-shir-tegaysa, marna aan arki karinba SNM iyo wixii sheegta. Xaalku: “Ma magaalo ha deyn, qeyrkaana u cay baa.” Somaliland intaas oo shir ayay soo qabsatay tan iyo 1991kii. Miyaan dib loo heshiin? Miyaan la isa saamixin? Mid soo halgamay, mid ka maqnaa, mid nidaamkii Siyaad Barre u soo shaqaynayay, mid wax basaasay, mid qudheenna jaray, mid naafoobay iyo mid jooge-maqan ahaaba miyaan maanta  la wada noolayn oo aynaan nabad ku wada joogin? Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Siilaanyo intii aanu Guddoomiyaha SNM muddada shanta sannadood iyo badhka ahayd noqon, ka hor miyaanu nidaamkii Maxamed Siyaad Barre muddo toban sannadood ka badan kaalin hoggaamineed oo wasiir iyo hoggaan xisbiba ahayd kaga jirin? Ma ku eed baxayaa haddii taladan baas la raaco? Daahir Ra’yaale Kaahin miyaanu dalkan siddeed sannadood Madaxweyne ka ahayn? Ka hor miyaanu ciidankii Nabadsugidda ee aan la mahadin ka mid ahaan jirin? Mise eedaysanayaashan la doon-doonayaa waa wixii aan reer Somaliland ahayn ee Wanlo-weyn ahaan jiray?

Qofku eedaysane laba hab ayuu ku noqdaa: Mas’uuliyad gaar ah uu lahaa ama leeyahayba waa uu ku noqdaa. Mas’uuliyad wadareedna waa uu ku noqdaa oo uu cid xukun haysay la wadaagay. Waxa intaas oo dhanba ka sii xag jira marka uu qofku mas’uuliyad hoggaamineed qabto.

Bishii ina dhaaftay ee Meey 2013ka waxay ahayd 25guuradii ka soo wareegtay maalmihii 1988kii Burco iyo Hargeysa la soo kala galay. Qof waliba waa og yahay waanu ka dheregsan yahay. Mudane Siilaanyo oo SNM laba jeer Guddoomiye u noqday ayaa dalka Madaxweyne ka ah. Ma casho-sharaf xusuuseed ayuu kari waayay? Ma raashin yar oo xusuuseed ayuu maatida u qaybin kari waayay? Maya ma kari waayin, mana xusuusan waayin. Xukuumadda iyo Madaxtooyaduba waa ay neceb yihiin waxyaabahaa marka la soo qaado. Wasiirka Warfaafinta ayaan ahaan jiray. Hoos uguma daaddegi jirin barnaamajyada maalinlaha ah ee TV-ga Qaranka iyo Idaacaddaba ka baxa oo dad baa ka mas’uul ka ahaa. Maalmaha SNM la xusayo oo u badnaa 6da Abriil iyo 17ka Oktoobar, marka TV-ga laga sii daayo waa laga xanaaqi jiray. Mid keliya ayaan joogayba oo ahayd 6dii Abriil 2012kii. Dacwaddeedii Madaxweynaha ayay gaadhay. Aniga igama qasnayn oo waan ku adkaystay in maalmaha SNM la xusayo oo si weyn loo maauusayo, noloshaydana aanay ka tirmayn. Dad baa maalin-dagaalkoodu intaa ku xidhnaa ilaa maantana ku xidhan yahay. Markhaatiyaal goob-joog ah ayay lahayd..

Miyaanay haddaba yaab lahayn in ay ergadeennii tidhaahdo aynu dib uga fekerno dagaalladii sokeeye iyo dhagartii la kala galay? Maxaa maanta arrinkaa keenay?  

Qodobbada hawada iyo Kheyraadka dabiiciga ah waxba ku hakan maayo oo cid aan ka martiyayaa ma jirto, Xamarna fasax uga soo qaadan meyno, Mahiigana waa kii iska tegay markii ay dani u run sheegtay.

Aqoonsi De facto ah ayaanu doonaynaa waxa la idin ka yidhi:“Waxaan ahayn aqoonsi buuxa oo na marayaa ma jiro.” Ku jar hadalka ku jar waa halkii Xasan Aadan Samatar e’.

Sida ay aniga ila tahay, wada-hadalba yaanu ina dhex marin Muqdisho iyaga oo aan aqoonsiga soo qaddimin. Maxaa lagu wada hadlayaaba. Dad iyagiiba lafahooda u yaabban, adduunyadiina la yaabban tahay ayaynu innaguna yabooh aabbaheed goblamay la hoos joognaa.

Reer Muqdisho ama dawladda Federaalka ahina waxba lama iman meesha oo aan ahayn mindi minidi ku tag. Iyagana yaahuu ayaanu ku nidhi.

Inta aanan gunaanadka gelin hal nabar oo aan mid labaad lahayn ayaa ii hadhay. Habeen aan sidaa u sii fogayn ayuu Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtidu TV-yada ka hadlayay isaga oo eedaynayay dadka fikirka kiisa ka duwan ka qaba wada-hadalladan mahadhada reebay. Ninkaa weyn ee mas’uulka ahi wuxu lahaa dadkaasi waa dad lacag qaatay oo annaga ayaa caddaynayna. Weliba isaga oo cadhaysan ayuu miiska garaacayay. Maxaa cadho iyo miis garaacba keenay, waa qof mas’uul ah e’ miyuu maxkamadaha tago. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee wefdi xukuumadeed malahayga lagu daro inta aan garanayo. Hadalkaasi hadal milgihiisa ah ma ahayn. Aniga oo aan jeclayn in aan mowduucan ku talax-tago, waxaan u sheegi lahaa in uu muwaaddinku fikirkiisa xor u yahay. Wixii qarannimada ku lid ahna maxkamado ayaa u jooga. Guddoomiye-xigeen lababa aan ku idhaahdo:

1. In ku gubtaa waa ay ku hoos taal e’ gondahaaga eeg oo sharciyadda Golaha aad hoggaaminayso ka feker,

In mar qof wefdi raacay yidhaahdo waad tidhi e’, hadalka ha u noqon,

Ma gunaanadkaygiyo gebegebeda sheekada

Qof baa maalin dhaweyd E-mail ii soo diray. Waxaan is-idhi waa mid ka mid ah dhallinyarada maqaalladaada akhrida. Wuxu I soo weydiiyay, haddii aan ka mid noqon lahaa ama la igu dari lahaaba wefdiga Somaliland waxaan ka beddeli lahaa. Qasab ma aha in aynu wefdiga ka wada qayb-gallaa. Cid ayuun baa tegi lahayd, aniguna haddii la igu dari lahaa, waxaan ka beddeli kari lahaa ma jirto. Horaa loo yidhi: “Far keliyi fool ma dhaqdo.” Waxaan talo ku soo jeedinayaa:

In ay arrintan wada-hadalladu noqoto mid ay Somaliland leedahay ee aan cid gaar ah u af-duubnayn. Waa saan-saanka hadda ka muuqda,

In dhulka la dhigo oo la isugu yimaaddo oo dooddeeda la badsado oo laga wada qayb-galo,

Gole kasta oo Qaran xilka uu hawshan ku leeyahay waa in uu gutaa,

Wefdiga hawshan loo dirayaa waa in aanu kala yeelan xil-gudashada wada-hadallan,

Waa in ay noqotaa hawl si qarannimo oo wadajir ah loo wada maamulo, loona wada leeyahay,

Waa in laga saaraa hummaagyada iyo madmadowga ku gedfan ee mararka qaarkood war-baahinta soo gelaya,

Wada-hadalladu waa hawl-maalmeedka xukuumadda ee iyada oo isku kalsoon xilkeeda ha gudato oo ha ka baxdo Golayaasha kale ee ay isku badhxayso,

Intaa iyo in ka badanba waa la odhan karaa. Ayaan-darrada ina haysata waxa ka mid ah innaga oo aan ilaa maanta garanayn Wasaaradda hawshan wada-hadallada gadh-wadeenka inooga ah.

Arrintan wada-hadallada ha lagu celiyo majaraheedii. Ma ay ahayn arrin Madaxweynaha ka timid ama Madaxtooyadaba oo la inagu qasbay. Waxay ahayd talo iyo arrin guddoon dhexe oo la wada leeyahay ku timid. Golayaasha qarankaa ka shiray. Beelaha laga tirada badan yahay ayaa ka shiray. Bulshada rayidkaa ka shirtay. Ganacsatadaa ka shirtay. Culimadaa ka shirtay. Madax-dhaqameedkaa ka shiray. Xisbiyadaa ka shiray. Dhallintiyo haweenkaa ka shiray. Nuur iyo Naalleeyaba waa loo dhammaa.

Sidaa ay tahay ayaa koox waliba Madaxweynaha markeeda u tagtay oo kalsooni buuxda siisay. Sheeko iguma aha oo ergadii Bulshada rayidka ah ayaan ka mid ahaa ee Madaxweynaha hor fadhiisatay arrinkana u sakhirtay. Sidaas ayaa wada-hadallada lagu galay. Gole ballaadhan oo reer Somaliland ah oo aan u malaynayo in uu dhowr labaatan qof ahaa ayaa la magacaabay oo la baahiyay. Sida aan aamminsanahay Golahaasi mar keliya ma fadhiisan.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “Kitaab gurigiisii loo diiday, sayax Allaa baday.”Aniguna qormooyinkaygan koobnaa ee taxanaha ahaa waxaan kaga baxayaa:

“Arrin ummadeed oo aaran la durduriyay asqo iyo ambadba Allaa baday.”

Wa Billaahi Towfiiq. Waa inoo qormooyin dambe oo xiiso leh, haddii qoonsimaad yimaaddo raalli ha la iga ahaado, wax toosi mooyaan e’, wax taban sheeg kolka horeba uma soo ambo-bixin. Ciddii u hollanaysa, qormooyinkaygan jawaabtoodu qoraal ayay noqonaysaa, ee tororog kamirad la hor fadhiisto cidna loogama fadhiyo.

Dhammaad

Comments are closed.