Marxuum Qaybe Oo Maanta Aas Qaran Loo Samaynayo

0
630

Picture6Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay subaxnimadii hore magalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), oo ahaa oday ka baxay qaranka Somaliland.

Marxuum Qaybe, wuxuu u geeriyooday xanuun muddooyinkii u dambeeyay hayay, waxaana maanta magaalada Hargeysa loogu samaynayaa aas qaran.

Marxuum Qaybe, wuxuu ahaa diblomaasi ruug-cadaa ah, isagoo badweynta diblomaasiyadda ku soo dhex jiray 40-kii sannadood ee u dambeeyay. Wuxuu dawladihii Somaliya safiir uga noqday magaalooyinka dunida ugu caan sida Washington, Moscow, Newyork iyo London, waxaanu magaalooyinkaas safiir ka ahaa 25 sannadood. Wakhtiyada uu safiirka ahaa waa xilliyadii ay diblomaasiyada dunidu ugu xaasaasiyada badnayd ee uu socday dagaalkii qaboobaa., waxaanu ahaa wasiirkii arrimaha dibadda ee u dambeeyay dawladii Somaliya. Marxuum Qaybe, wuxuu sidoo kale noqday guddoomiyihii golihii hore ee wakiilada Somaliland ee baarlamaankii 1997 la sameeyay.

Alle haw naxariisto Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe). Haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika, waxaanu Alle ka baryaynaa inuu marxuumka naxariistiisa janno ka waraabiyo, umadda iyo ehelada uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.