Madasha Wadatashiga Oo Madaxweynaha Uga Digay Inuu Horistaago Doodda Qaran, Kuna Baaqay In Cirro Maanta La Soo Dhaweeyo

0
623

Picture7Hargeysa(Geeska)-Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka, ayaa digniintii ugu danbaysay u diray xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo, iyaga oo sheegay in waxa ugu daran ee bulshada lagu samayn karaa ay tahay in laga qaado xoriyada hadalka iyo cabirka fikirka.

Waxaanay si adag  u sheegeen in xisbiyada mucaaradka ah ay qabanayaan doodii qaran, isla markaasna aanay xukuumaddu hor istaagi karin,waxaanay si adag u canbaareeyeen diiditaankii masuuliyiinta UCID loo diiday inay galaan madaarka Hargeysa. iyaga oo ku baaqay in si balaadhan dadka mucaaradka ah oo isku duubani ay ugu soo dhaweeyeen guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro, dadkuna ay muujiyaan cadhadooda arintaas la xidhiidha.

Waxa ay sidan Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranku ku sheegeen shir jaraa’id oo warbaahinta kula hadaleen.Ugu horayntii Mujaahid.Xasan Ciise Jaamac oo shirkaas jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi“Maalmahan waxaad maqlayseen in xukuumadda KULMIYE ay buur dheer iyo mid gaaban u fuushay sid ay ujooji lahayn talada qaran ee ay xisbiyada mucaaradka ah ku dhawaaqeen,  taas waxaa ka horayse diidmo kale oo xukuumada KULMIYE ay diiday in loo sheego waxa talo ahba, oo ay dhagaha ka furaysatay, oo ay tidhi arinkaasi wax la qaban karo oo sharciya maaha xukuumadda waxa kale oo ay aad iyo aad ula dagaalantay markii la sameeyey Golaha Wadashiga iyo Talada Qaran.markii aanu la baxnay  Madasha Wadatashiga ayaanu nidhi aanu qabano dood qaran oo umaddu ha isku timaado waxa inaga khaldan iyo waxa saxan aynu ogaano, oo aynu ka tashno wixii dhibaato ah ee umadda haysta, wixii lagu xalin karo arinkaas waa arin ay umadkastaa iyo koox kasta oo isku tagtaa ay xaq uleeyihii in ay ka tashadaan dastuurka Somaliland u yaalaana uu dhigayo in lawada tashado,Dawladdu waa ay inkirtay oo lama yeeli karo ayay tidhi, taasna waanu ka tanaasulnay oo waxaanu nidhi intii ay kuwani bad galin lahaayeen dalka kolay umma tudhayaane bal tana uga tanaasula, oo waxaanu iswaydiinay maxaynu samaynaa, labada xisbi mucaarad ee sharciga ku fadhiya ku wareejiya labadii xisbi mucaarad ee sharciga ahaana waatan xukuumaddu sida fiinta uga qalisay,arintaas waa arin aad iyo aad uxun  oo gardaro ah oo xisbiyada mucaaradka oo xaq u leh inay qabtaan ayaa ay diiday waana waxa nasiib daro ah oo Siilaanyo tariikhda u gashay.”

Mujaahid Xasan Ciise oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Marna qofbaa kaligii taliye ah marna koox, imika kalitalisnimadu  waxa ay fadhidaa xukuumadda KULMIYE oo gondahooda ayay talaa waa oo kuwaas diidan talo qaran. Dadkeena waxa ugu daran ee la odhan karaa waa ha’hadlina oo talo ha keenina,xukuumadeenuna intaas ayay garan la’dahay.xukuumaddeenu waxay leedahay talo idiinkama baahnin, waa mid subxaana leh,wax la qaadan karo maaha,dadkaanu gaadhsiinaynaa,meel kasta waanu ka ridaynaa,Xukuumaddana waxaanu leenahay intaanay meel daran ka dhicin arintaas ka jooga.xisbiyadda mucaaradka ah waxa ay la siman yihii oo la xuquuq yihiin xisbiga talada dalka haye ee KULMIYE waxay xaq uleeyihiin inta ay xukuumaddu xaq u leedahay, waxa ay mudan yihiin in la qadariyo oo la soo dhaweeyo oo waxa ay xaq u leeyihiin la siiyo, hadii taas lagu dhaqi waayo ama la baalmaro waxa imanaya in la isku dhaco, qofka haduu huwan yahay astaantii qaranka maaha inuu garan waayo khaladka uu sameeyo cidii waxa usheeg tidhaahdana uu afka kaga boodo.”

Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne) oo isaguna dhankiisa shirkaas jaraa’id soo gunaanaday waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Meeshani wax laga hadlo maaha, qaranimadii iyo ummadnimadii halkaynu ku sii socoto waynu aragnaa,waliba waxay kaga dareen markay is yidhaahdaan waxii oo muuqda qariya, waynagii u jeednay guddoomiyahii oo shanda’diisa jiidanaaya(Faysal Cali Waraabe), ragay u diidayeen waa ragaas waaweyn ee ina hor fadhiya, shalay markii iyaga loo diidaayaayna waa kuwii ooyaayay,magaalladda Hargeysa oo dhami waa tii dhaqaaqday markii Rayaale yidhi kama soo dagaayo isagu,waxaan taas ku kabayaa Ciro ayaa imika soo dagaayee Hargeysa waxii mucaarad ah inay dhaqaaqaan oo ay madaarka tagaan meesha inaga u dhiibanaye aabahood ugama dhimane,Ina Rayaale ka yaree madaarka joogaa waa kii ku lahaa meeshu waa meeshii shalay, ninkuu waxaas kula hadlaayay waa madaxweyne qaran,arintaas jawaab cad umaddu ha ka bixiso dareenkeeda aynu wada tagno bal ninkii loo diidaayo iyo ninkii meeshan leh aynu aragnee.umaddu inay wax diido oo jaraa’idka ku qorto oo ka mudaharaado oo dareenkeeda muujiso ayaa loo baahan yahay, hadii kale tii hore intii baaba’a inaga gaadhay iyo dhaawac iyo dhimasho ah inay ka fogaan doonto,inaga oo iska ordayna oo nin la ordaayo, maalin walba madaxda Somaliya halkan ayay xildhibaanadoodii iyo wasiiradoodiiba yimaadaane ayaa isku keen fasaxay.”