Marxuum Maxamed Axmed Ciise: Suxufi Weyn Oo Ka Baxay Saxaafadda Somaliland

0
460

Picture1Hargeysa(Geeska)-Alle ha u naxariistii  waxa saxaafada Somaliland  ka geeriyooday  suxufi weyn oo kaalin muuqata ka soo qaatay warbaahinta Somaliland mid gaar ah iyo mid dawladeedba. Waxa uu ahaa Maxamed Axmed Ciise oo loo yaqiin (Maxamed Case), waxa ay hedu ku heshay magaalada Addisababa Sabtidii , halkaasi oo uu u joogay xaalad caafimaad.

Marxuum Maxamed waxa lagu xasuusan doonaa kaalintii mugga lahayd ee uu kaga jiray saxaafadda oo aan la heli doonin cid buuxisa. Waxa uu ku soo jirey warbaahinta kala duwan rubuc qarnigii ugu dambeeyay isaga oo ka soo shaqeeyay wargyesyadii  gaarka ahaa ee ugu horeeyay ee ka soo baxa Hargaysa kadib la soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland. Sida oo kale waxa uu ka soo shaqeeyay warbaahinta dawladda oo uu illaa haatan ka mid ahaa, waxaanu ka wada shaqeynayay Telefishanka, wargayska DAWAN iyo wakaalada wararka oo uu mid walba waqtigeeda si buuxda uga shaqaynayay.

Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed  Ciise, waxa uu ku dhashay magaalada Hargaysa hilaadii  sannadkii 1966-kii , waxaanu ku soo barbaaray Hargaysa, waxna ku soo bartay.

Suxufinimada waxa u dheeraa mihnadda farsameed isaga oo ka soo shaqeeyay qaybta farsamada Radio  Hargaysa iyo war laliska oo uu aqoon waafi ah u lahaa.

Waxa kale oo uu ka soo shaqeeyay wargeyskii codka Hargeysa ee soo bixi jirey sagaashameeyadii iyo qaybta wararka Radio  Hargeysa oo uu muddo dheer ka soo shaqeeyay. Waxa uu ka mid ahaa raggii aasaasay wargayskii Maandeeq ee dawladda 1998-kii  ee haatan la baxay DAWAN iyo sida oo kale wargayskii Geeska Afrika oo  ay soo saari jirtay wasaaradda warfaafinta sagaashameeyadii.

Waqtigan Maxamed waxa uu si joogto ah uga shaqeynayay warbaahinta kala duwan ee qaranka  sida Telefishanka, wargeyska DAWAN  iyo wakaaladda wararka SOLNA,waxaanu ahaa suxufi hawlkar ah oo si isku mid ah u wada guta shaqadiisa. Waxa uu soo saari jiray barnaamijyo kala duwan oo ka baxa idaacadda,  wargeyska iyo telefishankaba, waxaanu aqoon dheeraad ah u lahaa luuqadaha Ingiriisida, Carabida iyo Soomaaliga  oo uu u dhashayba.

 Marxuum Maxamed Axmed Ciise, waxa uu ifka kaga tegay xaas iyo carruur. Waxa aan Ilaahay uga baryeeynaa inuu ka waraabiyo  jannadii fardowsa, qoyskiisii iyo eheladiisii iyo asxaabtaba samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa lilaahi wa ina Ilaahu Raajacuun.