Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Wacdarro Ka Dhigtay Munaasibaddii 18-ka May

0
485

Picture2Hargeysa (Geeska)- Dawladda Hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa  munaasibadii 18-ka May ee Isniintii laga xusay Somaliland kaalin weyn ka qaadatay, waxaana jidka badhtamaha caasimadda ay soo mariyeen Gaadiidkii ugu badnaa ee ay dawladda Hoose iibsatay saddexdii sannadood ee ugu dambeeyay ee uu xilka Maayarnimo hayay maayarka caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Dawladda Hoose waxay ahayd Ha’yadda kaliya ee marka laga reebo ciidammadda kala duwan cududooda ku soo bandhigay munaasibaddii 18-ka May. Waxaana maray dhawr iyo toban baabuur oo ah nooca dabdamiska iyo cagafyo iyo baabuurta ay kaga shaqeeyaan  khashin ururinta caasimadda oo intuba u badnaa gaadiid cusub oo la iibiyay labadii sannadood ee ugu dambeeyay.

Geesta kalena waxa iyaguna socod gaardis ah ku maray caasimadda shacbiga degmooyinka magaaladda Hargeysa oo  ay soo agaasintay Dawladda Hoose oo  iyaga oo ku libbisan calanka Somaliland degmo-degmo u maray jidka wadnaha  iyo madaxtooyadda horteeda.  Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa dadweynaha  reer  Hargeysa uga mahad celiyay sidii ay ugu soo baxeen, una weyneeyeen munaasibadda 18-ka May “Waxaan uga mahad celinayaa dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa sidii weynayd ee ay ugu soo baxeen munaasibadda 18-ka May oo ah afar iyo labaatan guuradii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida Somaliland. Waxaan leeyahay waxaad muujiseen  inaad tihiin shacbigii caasimadda oo u bisil qaranimadooda isla markaana ay kaalin muuqata ka galeen isku soo bixii degmooyinka dalka,”ayuu yidhi Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid.

 Hawl-wadeenno ka socday dawladda Hoose ayaa maalmihii  la soo dhaafay ku mashquulsanaa nadiifinta jidadka faras-magaalaha, taasi oo qeyb ka ahayd qorshaha dawladda hoose ugu diyaar garoobaysay munaasibadda 18-ka May.

Sidoo kale, waxa dawladda hoose kaalin wax ku ool ah ka qaadatay abaabulkii guddigii qaban-qaabada munaasibadda 18-ka may oo Maayarka caasimaddu xubin ka ahaa.