Marxuum Gaariye Oo Hab Maamuus Halyey Qaran Ah Loogu Aasay Hargeysa

0
558

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay si heer qaran ah magaalada Hargeysa loogu aasay marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), oo todobaadkii hore ku geeriyooday dalka Norway.

 

Marxuum Gaariye, waxa aaskiisa ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee shacabka Somaliland, waxaana maydkiisa arooryadii hore ee shalay laga soo dejiyay madaarka Berbera.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa subaxnimadii hore ee shalay ku qulqulayay goobta lagu aasayay Marxuum Gaariye oo maydkiisa lagu shaqlay calanka Somaliland, waxaana ka sokow dadka shacabka ah xabaasha si weyn uga qayb galay ardayda jaamacadaha, maadaama oo uu marxuumku ahaa macalin.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka hadlay aaska Marxuumka ayaa sheegay in Abwaan Gaariye uu ahaa shakhsi wanaagsan oo door shariif ah ka soo qaadatay halgamadii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo dib u dhiskii iyo nabadeyntii Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu uu sheegay in Marxuumku uu ahaa nin mudakar ah oo saamayn weyn iyo taariikh lama ilaawaan ah ku lahaa shacbiga iyo qaranka Somaliland. “Gaariye wuxuu ahaa gabayaa, wuxuu ahaa Macalin weyn, wuxuu ahaa nin wadani ah, wuxuu ahaa Nin magaca iyo taariikh ku lahaa Umadda reer Somaliland oo aanu waligayo ilaawi-doonin, waxaan ku xasuustaa doorka uu ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka ee aan hal-abuurka oo kaliya aah ahayn ee uu furinta joogay, xikmaddiisa, Odaynimadiisii, Nabadayntiisii, hoggaamintiisa ayaan ku soo xasuustaa, wuxuu ahaa nin iimaan iyo diin leh, wuxuu ahaa nin dhaqan leh”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Wuxuu ahaa Somalilander aad u wanaagsan, Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ILAAHAY naxariistii janno ha ka waraabiyo, Ehelkii iyo Qoyskii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan haka siiyo” ayuu Madaxweynuhu yidhi.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida marxuumka waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu marxuumka Abwaan Gaariye ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii iyo ummadda Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ay saaxiib ahaayeen Abwaan Gaariye ayaa ka hadlay shakhsiyadii iyo suugaantii marxuumka waxaanu yidhi “Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) Nin tirin karaya Taariikhadiisa anigu ma ihi, waayo shar iyo Khayra-ba waan u soo wada maray. Maxamed Xaashi Dhamac wuxuu ahaa nin geesiya oo ku dhac leh oo Mab’da leh”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Saddex-daasi ayaa hanti ahaa oo ka muuqday Gabayadiisa iyo hadalkiisaba, Ummaduna way ka wada war haysaa Shakhsiyadiisa. Marxuumka saaxiib ahaayeen 40 sanadood “Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) laba qof maanu ahayn ee qof qudha ayaanu ahayn oo mataano ah, halis iyo wax walba aanu u badheedhnay, oo afartan sanadood ayaanu tirsanaynayoo (inta aanu saaxiibka ahayn) oo nin aanu isku milanay ayuu ahaa oo mabda’ayagan ayaa isku kaaya keenay.”

Guddomiyaha Golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa isna marxuum Gaariye ku tilmaamay geesi umadda ka baxay, waxaanu Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna ka hadlay taariikhdii marxuumka iyo xiligii ay isbarteen, waxaanu yidhi “1959-kii ayaanu isugu nimid Iskuulka Biyo-dhacay (Hargeysa), oo Uuladii ayaa la na wada qoray oo isku fasal ayaanu noqonay, waxaanuna isku fasal ahayn ilaa dugsigii dhexe, markii dambe aniguna Camuud ayaan tagay, isaguna dugsiga Sheekh, haddana Muqdisho ayaanu isugu nimid, isagu Lafoole ayuu galay, aniguna Ruushka ayaan tagay, haddana SNM ayaanu isugu nimid.”

Mujaahid Ibraahim Dhago-weyne, ayaa isaguna sheegay “Anigu Gaarriye ilaa 1964-kii ayaan aqaanay, wuxuu ahaa nin taariikhdiisu cadahay oo noloshiisa halgan ku dhamaystay oo qiimo badan ayuu ahaa, ILAAHAYNA Samir iyo iimaan ha inaga siiyo”ayuu yidhi.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa isaguna si mudan u sheegay hadalkan “Gabayadiisii iyo murtidiisiibaa nool, waana dhaxal u yaala inaga nool iyo kuwa dhalan doonaba, Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) wuxuu caan ku ahaa hiilka dulmanaha gaal iyo Muslimba, waxaan filayaa markii Koonfur Afrika midab takoorku ka jiray nin Somali ah oo ka tiriyey Maanso Nalson Mandela la yidhaahdo isaga ayuunbaa jira “Maxaan reer Galbeedow godob kaa tirsanayaa” ayuu ka tiriyey sida reer galbeedka iyo Maraykanku u isticmaarsanayeen Afrika ayuu ka tiriyey, wuxuu ahaa ninkii dagaaladii sokeeye ka tiriyey Gabeygii Ergo, ka dhamaan-mayno laakiin inuu nin qaran ahaa waxaad ka garan kartaa aaskiisa oo uu nin wanaagsan oo Saalix ah ahaa.

Waxaan xukuumadda u soo jeedinayaa in Manhajka dugsiyada lagu daro Gabayadiisii, waxaanan leeyahay ILAAHAY naxariistii Janno ha siiyo”

Si kastaba ha ahaate shacabka Somaliland waxa ay Alle uga baryeen Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac inuu naxariistii janno ka waraabiyo.